Golaha midowga musharaxiinta oo soo dhoweeyey go’aanka Madaxweynaha JFS ugu wareejiyey Arrimaha doorashooyinka Ra’iisul Wasaare Rooble,bayaan ay goor dhowed soo saareen  Dallada ay ku bahoobeen midowga musharaxiinta ayaa lagu yidhi “ Goluhu wuxuu si weyn u soo dhowaynayaa in si buuxda loogu wareejiyey arrimihii doorashooyinka RW Rooble.”

Qoraal ay soo saareen golaha ayaa lagu sheegay in Ra’iisul wasaaraha XFS in uu si wanaagsan u qaato doorkiisa hogaaminta arrimaha doorashooyinka iyaga oo codsaday in uu dhex dhexaad u noqdo dhinacyada danaynaya In ay ku tartamaan xilka madaxtinimada Dalka

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa balanqaaday in ay la shaqeyn doonaan Ra’iisul wasaaraha XFS si loo gaaro hadafka ah hirgalinta doorasho wadar ogol ah oo saldhigeedu yahay heshiiskii 17-kii September oo ay wada gaareen dowladda Soomaaliya ,madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir