Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerer jidgal ah oo ka dhaca in u dhexeysa walaweyn iyo Afgooye.

Weerarkaan ayaa sigaar ah waxa uu uga ah ugadhacay Tuulada Doonka oo u jirta Dagmada Afgooye toban kiilow mitir dhanka galeed wadada aada Walaweyn.

sida ey inoo sheegeen dad goob joogayaal ah ayaa waxa ey inoo xaqiijiyeen in ey ku dhinteen sagaal qof oo laba kamid ah ey ahaayen darawaliin waday gadiidka xamuulka ah ee dhuxusha qaada, todobada kalena waxa ey ahaayeen ciidanka dowlada oo gudbinaayay gaadiidka dhuxusha siday dhaawacana waa laba askari.

Sidookle waxaa lasheegayaa in ey gadoomeen sadax baabuur oo ah kuwa sommalidu utaqaano Inna tareega ama (isjiid) kuwaa oo dhuxul siday kadib markii ey Qalqaleen darawaliinta markii uu weeraku ku bilowday.

Wadaadaan ayaa waxaa horey loogu gubay gadiid farabadan oo dhuxul u soo siday magaalada muqdisho alshabaab ayaana Horey u mabnuucay Dhuxusha, intabadana ciidan ayaa soo gudbiya gaadiidka.

Dhanka kale shalay ayey eheed markii ey alshabaab ey ku dileen sadax nin labakalena ey ku dhaaweceen inta udhexeysa Leego iyo Yaaq bari weyne ee Gobolkaan Shabeelada Hoose.

sadaxdaasi qof ee ladilay ayaa waxa ey kala ahaayeen wiil dhalinyaro ah oo taksiile ahaa laba kamid ahaa maliishiyaad isku magacaabay macawiisleyda ee ku sugan inta u dhaxeeyasa leego iyo ballidoogle alshabaab ayaana waxa ey horey uwateen labadii gaari oo ey wateen iyo sadaxdii meyd ee maliishiyaadkaasi.

Amaanka wadada u dhexeysa afgooye iyo Buur Hakaba ayaa aad u xumaaday bilihii lasoo dhaafay waxaana waxabadan qaraxyo lagula eegatay mas,uuliyeen iyo ciidanka Dowlada.

Wixii weerarkaasi kasoo kordha kala soco Radio wanlaweyn pege