Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saaray kulankii magaalada Dhuusamareeb ku dhex maray wafdigii la socday Danjire James Swan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

James Swan ayaa sheegay in madaxweyne Qoor Qoor ay kala hadleen ahmiyadda ay leedahay sii socoshada wadashaqeynta hoggaanka dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

“Kulankeenii aan la qaadanay Madaxweynaha waxaan ka wadahadalnay ahmiyada ay leedahay sii socoshada xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya dowlada federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah. Waxaana dhiiri galiyay soo nooleynta wadahadalladooda” ayuu yiri James Swan.

Socdaalka uu ku tegay Dhuusamareeb wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan waxaa ku wehliyey wakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Danjire Francisco Madeira, danjire ku xigeenka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicole Miller iyo xubno ka socday urur goboleedka IGAD.

“Waxaan ku boorinayaa dhamaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay sii wadaan wadashaqeynta iyo hanaankan ay ugu diyaar garoobayaan doorashooyinka Qaranka, si marka kasta ay isula xariiraan, taas ooh or seedi karta hufnaan, cadaalad iyo wax wada-qabsi.” Ayuu yiri James Swan.

Sidoo kale Ergayga Qaramada Midoobey ayaa sheegay in socdaalkan uu ka mid yahay dadaallada lagu hubinayo qoondada haweenka ee 30%, taas oo muhiim ka dhigeysa inay metelaad ku yeeshaan guddiyada xulista ergada iyo doorashooyinka baarlamaanka, sida lagu yiri warbixintan.