Waxaa xilkii laga qaaday taliyihii hore ee Boliska Dagmada Wanlaweyn laba xidigle Maxamed Cabdulle Xasan

Xillaas ayaa waxaa loo soo magacaabay Taliye, Cabdalla Boorow.

isbadal kaan ku yimid Hogaanka Booliska Dagmada Wanlaweyn  ayaa waxaa laga rajeynayaa in uu la yimaado wax qabad dhab ah oo uu Bulshada ugu adeegaayo.

Macana masameyneyso in nin lagu badalo nin kale ee waxaa loo baahan yahay isbadal dhab ah iyo Boolis shaqadiisa qabsada.

Booliska dagamada wanlaweyn ayaa waxa uu iska ahaa mid  fadhiit ah oo aan dhaq dhaqaaq badan aanan sameynin hadey ahaan  leheed  dhanka ladagaalanka Maandooriyaha iyo wax ka qabashada amaanka guud ee Dagmada waxa eyna iska ahaayeen Kuwa magac ahaan u jira madaama shaqadii loo igamaday eysan kasoo dhalaalin.

Sidookale waxana shaqeynin nidaamka Garsoorka Dagmad Wanlaweyn taasoo ayadana u baahan in dib loosoo celiyo waad garan gartaa dhibaatada ey leedahay nidaam dhan aan garsoor leheen waana qasab in ey” wada shaqeeyaan Cadaalada iyo Booliska.mana shaqeyn karo Boolis aan Garsoor lashaqeyn.

Mararka qaaar waxaa dhacada in shaqsiyaad lasoo xiro oo mudo leyskaga hayo xabsiga ayadoo maxkamad lageynaayana eysan jirin shuruucda dalka u taala ayaa waxa ey qabtaa in 24 saac kabadan aan laheyn Karin  Muwaadinka latuhmo ama in Maxkamad lageeyo ama xuriyadiisa dib loo siiyo.

Maamulka kajira Dagmada Wanlaweyn ayaa waxa uu ka gaabiyay kashaqeysiinta maxkamadii Dagmada

sidoo kale Wazaarada Cadaalada ee maamulka KGS ayaa waxa ey ayadana ka gaabisay in nidaamka cadaalada Dagmooyinka in ey”dhisto waxaana jira dagmooyin badan oo kamid ah maamulka KGS  oo aan leheen nidaam Cadaaladeed ama uusan si wanaagsan uusan u shaqeyn.