Waxaa gabi ahaanba go,day wadada xiriirisa Beydhabo iyo Muqdisho taasoo indhawaala ah ba laga deyrinayay  xaaladeeda Kadib markii ey soo gaareen  fatahaada wabiga Shabeelle waxaa aad u sareeya biyaha taasoo ey xamili weysay wada, waxaana jira Boondooyin kale oo ayagana laga cabsi qabo iney go,aan

wadadan ayaa waxa ey, ka go,day inta u dhaxeysa Tuulada Warmaxan iyo Buula xaansho waxa eyna aad ugu dhawdahay Buulo xaasho,

wadadaan ayaa aad muhiim u ugu ah isku xirka Gobolada Koonfureed iyo Caasimada Muqdisho majirin  wax dayactir ah oo ey heshay Wadadaan tan iyo bur burkii dowladii dhexe ee Somaaliya.

Sanadkii 1997 kii ayaa sidaan oo kel ey kadhacaday  wadadani taasoo bilooyin ey ka go,need goobtasi hada waxaa loo yaqaanaa kalwareega,

markasta ee uu soo fataho wabiga shabeelle sidaan oo kle ayaa dhacada wadada waxaa kamuuqda burbur baahsan Buundooyinka loogu talagalay biyaha in ey gudbiyaan ayaa dhamaantood aad burbursan.

Waxaa jira barakac baahsan oo dhanka  Tuulooyinka waqooyi ka xiga laamiga  ah  kuwaas oo uu qasaare badan kasoo gaaray fatahaadahaan sida in ey kabiyoobeen Bakaarihii ama keydkii Cuntada ey” heysteen sidookale waxa ey baabi,iyeen beerihii labeeranlahaa

dadka soo barakacay ayaa qaarkood waxa ey kusoo  barakeceen dagmada Wanlaweyn qaarkoodna waxa ey dageen Ttuulooyinka laamiga udhow ee aan wali biyaha eysan soo gaarin.

Sikastaba ha ahaatee waxaana ilaahada jirin wax gurmad ah oo loosameeyay dadkaas safarka ah ee wadada ka xirantay

dhanka kale waxaa ey goob joogayaal u sheegeen Radio wanlaweyn saakay in laba qof lagudilay halaka wadada ey ka Go,day dilkaas oo ey geysteen kooxo burcad ah kadib markii ey murmeen dadkaasi ladilay, kooxahaas ayaa Meesha isga baxsaday.

Majirto masuuliyiin kahadlay xirnaashiyaha wadaadaan hadey ahaan lahaayeen kuwa gobolka iyo kuwa dagmooyinka kudhow goobta wadada ey ka  xirantay.

Ugudambeyntii ma muuqato rajo laga qabo in maalmaha soo socda wax laga qaban doono sababta baaxada burburka kajir wadada iyo awooda biyaha oo aad u sareysa waxaana laga warsugayaa madaxda wadanka sida ey” uga jawaab celiyaan masiibadan.