Shir ku saabsan amniga doorashooyinka ayaa ka dhacay xarunta Xalane ee Muqdisho, waxaana looga dooday sidii loo sugi lahaa goobaha lagu waddo in ay ka dhacaan doorashooyinka Ammaankooda.

Shirkaan waxaa qeyb galay  Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir, Wakiilada Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo dowladda Mareykanka.

La taliyaha Madaxweynaha ee dhanka Amniga Cabdisaciid Cali ayaa sheegay in shirka looga hadlay in maamul goboleedyada ay ku suggaan Amniga goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka dowladda dhexena ay taageero siiso.

Waxaa uu tilmaamay in shirkaan looga hadlay sidii beesha Caalamka ay taageero u siin laheyd Hay’addaha Ammaanka inta lagu gudajiro Arrimaha doorashooyinka.

Doorashada Xildhibaanada Aqal oo bilaaban doonta dhammaanka Sanadkaan ayaa lagu waddaa in lagu qabto maamul goboleed kaste labo Magaalo, oo suggida Amniga ay iska kaashan doonaan AMISOM, Dowladda Dhexe iyo maamul goboleedka.