Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose,howlgaladaas oo ahaa kuwo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka fuliya Gobolkaas.

Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in howlgallada ay ka fuliyeen degaannada kala ah, Dhisheeg waamo,Maroodi gubow,Dhaay unbow oo qiyaasti 75km u jirta Magaalada Kismaayo.

Taliyaha Guutadda 16 ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Ismaciil Cabdi Maalik Maalin ayaa Idaacada Ciidamada qalabka Sida u sheegay in Ciidamada Danab Kumaandooska Soomaliya ay ku daateen Saldhigyada Al-shabaab ku lahayeen degaano hoosta Gobolka Jubbada Hoose

Taliye Ismaciil waxa uu sheegay in Ciidamada Danab ay Howlgalka ku dileen Labo Sarkaal iyo 11 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, xilli ay ku sugnaayeen degaannada ay Ciidamada howlgallada ka fuliyeen.

Taliyaha Kumaandooska Soomaaliya ayaa Saraakiisha Howlgalka lagu dilay waxa uu Magacyadooda ku kala sheegay Xirow oo Al-shabaab u qaabilsanaa degaanka Dhisheeg waamo, iyo Cabdi Maxamed Bashiir oo Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Jubbada Hoose.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Jubbada Hoose waxaa howlgallo ka waday Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland, waxaana jirtay weeraro ay kala kulmeen Al-Shabaab.