Waxaa maanta Dagmada Wanlaweyn tabar wajigii hore ah loogu soo xiray ciima kamid noqon doona ciidamad Daraawiishta maamulka KGS Kuwaas oo maalmihii ugu dambeeyay uu taba bar uga socday Gudaha Dagmadatan Wanlaweyn.
Ciidamadan oo horey u ahaa maliishiyaad ayaa looqarameeyay maamulka KGS waxa eyna noqonayaan ciidamadii ugu horeeyay ee daraawiish ah oo ey yeelato Dagmadan wan laweyn daraawiishtaan cusub ayaa waxaa looga fadhiyaa in ey amaanka dagmada wax ka qabtaan.
Ciidankaan ayaa waxaa maanta loo Qeybiyay Dareyska Daraawiishta Maamulka KGS.
Dhawaan ayey eheed markii ey” tababar ey u fureen ASkartani wasiira ka socday maamulka KGS oo ey” kamid ahaayeen wasiirka aminga Isaaq Cali Subag Wasiirka Arimaha gudaha Abuukar Maxamed Cabdi iyo Wasiir ku xigeeno xildhibaano taliyaha ciidanka Daraawiishta Maamulka KGS iyo Taliyaha Guutada 60aad ee ciidanka XDS.
Munaasabadaan oo ey goob jog ka ahaayeen DHamaan maamulka Dagmada Wanlaweyn ee uu ugu horeeyo Godoomiyaha Dagmada Wanlaweyn Mxamed siidow Cabdi Raxmaan iyo Taliyaha Daraawiishta Dagmada Wanlaweyn.
Waxaana ciidamadaasi hadal u jeediyay Gudoomiyaha Dagmada Wanlaweyn Mxamed Siiddow C/Raxmaan asgoona u mahad celiyay madaxada KGS oo uu gu horeeyo Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta gareen iyo Gudoomiyaha Baarlamanka KGS cali saciid Fiqi Gudoomiye siidow ayaa ladar daarmay ciidankan cusub una sheegay in ey heli doonaan Xuquuqdooda eyna kamid yihiin Daraawiishta KGS.
Ugu dambeyntiina ciidamadaan oo laga kala keenay gudaha Dagmada iyo Tuulooyinka qaaar ayaa waxaa looga Fadhiyaain ey wax kaqabtaan dhibaatooyinka kajira dagmada oo ey’ ugu horeyso isbaarooyinka yaala gudaha Dagmada iyo heeraha Wanlaweyn isbaarooyinkaas oo inta badan sabab isku dhacyada Beelaha deegaankani.