Radio Wanlaweyn 22/6/ 2020>>Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal kadhacay Maanta deegaankan Wanlaweyn
waaxaa siyaaba kala duwan loogu dilay ilaa shan qof hareeraha wanlaweyn.

dhinaca waqooyi ee dagamada ayaa waxaa lagu dilay sadax nin marka hore nin ayaa lagu dilay ninkaa ayaa waxaa dil u geystay laba nin  kadibna labadii nin ee dilka geysatay ayaa ayagana lagu dilay meel aan ka fogeen goobta ey dilka ka geysteen, dilkan ayaa waxa uu lug ku leeyahay Qabiil  labada nin meydkooda waxaa lageeyay Tuulada Baldul Amiin  ee sodanka KLM dhinaca waqooyi kajirta Dagmada Wanlaweyn.

Sidookale  dhanka bari ee Dagmada Wanlaweyn meel u dhow Tuulada Yaaqdhuub oo lagu magacaabo Awbiti ayaa waxaa lagu dilay laba nin labadaan,nin ayaa waxaa soo qaaday Booliska dagmada wanlaweyn lama oga cid kadambeysa dilkaan  kadhacay Awbiti ee lagu dilay labadan nin.

labadan nin ayaa marka hore lagaran waayay lakin kadib ayaa  la aqoonsaday mana ey’eheen beelaha deeganka ku dagaalamay.

Deegaanka walaweyn ayaa bilihii ugu dambeeyay waxaa uu marti galiayay dilal Qabiil iyo dagaal aan dhamaad laheyn waxa ey walaac ku abuurtay dadkaShacabka ah ee ku dhaqan deegaankan.

Waxaa gabi ahaanba istaagay wada,hadaladii u dhexeeyay Beelihii ku dagaalamay deegaanka waxaan dhowr jeeroo hore  fashilmay wadahadaladii ladoonaayay in,lagu gaaro hishiis Buuxa oo lakala dhex dhigo beelaha walaalaha ah ee dagaalamay.

waxgaradka Soomaliyeed ayaa waxa ey tilmaameen in aan daacad laga eheen wada xaajoodkan ladoonayay in lagu soo afjaro dagaal beeleedkan taa soo ey ku sababeeyeen in eysan jirin cid sadxaad oo toos u dhax dhaxaadisa khilaafkan.

dhanka kale Dadkii loo soo xilsaaray ayaa waxa ey galeen siyaasad taasoo ka mashquulisay hooshii loo igmaday sidookle Dadka dhaliilaya sida ey wax u socdaan ayaa waxaa ey tilmaameen in markii hore lasoo diray maxkamad ee aan lasoo dirin Ergo u kala dabqaada beelahan dagaalamay dadka qaarkiis ayaa waaxa ey Qabaan in aan howshaan Dad aan ehel u eheen loo dhiibay taasna ey sababtay in ey dhibatada sii socoto.

Sikasta ee ey ahaataba waxaana wali laga raja dhigin in ladhameeyo qilaafkan sababay gacan ka hadalka  kaasoo dib u dhac ku keenay Dadka iyo Deegaankabba

Ugu dambeyntii waxaa laga dhur sugayaa Dowlagoboleedka KGS talaabada ey qaadi toonto si loo dhameeyo khilaafaadkan taagan ee mudaba soo jiitamayey.