Aadan Barre Ducaale  oo ah Hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya ayaa lagu guuldareystay qorshe la doonayay in xilka looga qaado maanta.

Qorshaha xilka looga qaadayay Aadan ayaa timid ka dib markii isbeheysiga haya talada ee Kenya uu isbaddallo ku sameeyay xubnaha ka tirsan ee jagooyinka kala duwan ka haya laba aqal ee baarlamaanka iyo sanetka.

Aadan Barre Ducaalle ayaa warbaahinta u sheegay in sababta uu kaga badbaaday xil ka qaadista ay tahay in xubnaha ka tirsan xisbiga ay kalsooni ku qabaan shaqada uu ka hayo baarlamaanka.

“Badbaadada Ilaahey ayaa iska leh….kalsoonida golaha baarlamaanka oo maanta madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ay joogeen dhib ayay kalsooni ii siiyeen… shaqadii aan ka qabtay xisbiga sida in aan baarlamaanka ku hoggaamiyay, arrimihii dowladda oo aan sidii la rabay uga soo baxay anigoo weliba kalsooni ka heysta xitaa dhinaca mucaaradka,” ayuu yiri xildhibaan Aadan Barre Ducaalle oo la hadlay BBC.

Ducaale waxaa korsiga hoggaanka Aqlabiyadda Baarlamaanka loo dhiibay ka dib doorashadii 2013-kii, waxaana mar kale loo kordhiyay ka dib doorashadii 2017-kii.