Radio wanlaweyn 1 /6/ 2020 Maalmihii ugu dambeeyay waxaa siibadanaya dadka  Da,da ah kuwa cudurada raaga qaba iyo  kuwa uu miisaanka jir kooda culusyahay  ee ku dhimanaya Dagmada wanlaweyn, dhamaan dadkaasi intooda badan inta eysan dhiman kahor neefta ayaa ku dhagtay.

dhanka kale waxaa siibadanaya dadka ka cabanaya  Qandho(Xumad) wadata Qunfac Urinta oo katakta  iyo Calaamada badan oo lagu tilmaamo Cudurka  Covid 19  ayaa kajira Dagmada Wanlaweyn.

Dadka wey dhimanayaan lamana oga waxa ey u dhimanayaan waxaana jirin Baaritaan loodiray iyo taxadarkale toona  Dhibaatada jirta ayaa waxa ey”tahay dadka intooda badan kama dhaadhacsana  halista Cudurka uu leeyahay.

waxaana jirin wax howl wadeenada caafimaadka ah oo is ku  howlay oo katirsan bahada caafimaadka Dagmada, marka laga reebo wacyi galinta  uu wado Radio wanlaweyn iyo dhalinyaro iskood isku xilqaamay oo maalmo waday wacyi galinta cudurkaan Covid19.

Mamuuqdo diyaar garow looga hortagayo faafitaanka cudurkaan, waxaa caadi u soo gala dagmada Qaadka /Jaadka  waxa uu kayahay caadi Jaadka ayaana la sheegay in uu kamid yahay wax yaabaha sii faafin kara cuduerkan.

Gacanqaadka isu imaatinka bulshada Gaadiidkii oo si ciriiri ah leys kula raaco  iyo wax kasta  ee uu ku faafaayo cudurka  ayaa  caadi ka ah Wanlaweyn.

Majirto talaabo muuqata ee uu qaday Maamulka Dagmada  ayada oo ey jiraan dhibaatooyinka aan kor ku soo xusnay, hadii aan laqaadin tilaabooyin Dagdag ah waxaa dhici karta  in ey siibaato dhibaatada Cudurka.

Waxgaradka D agmada qaarkiis oo lasoo xiriiray Radio wanlaweyn ayaa walaac ka muujiyay xaalada caafimaad ee dagmadan waxa eyna baaq u direen maamulka konfur galbeed in ey gacan kasiiyaan xaaladan adag oo ey ku sugan yihiin dadka ku nool  dagmada.

ugu dambeyntii wanlaweyn kama jiraan dhaqaatiir isku duuba oo ka falceliya dhibaatooyinka imaada mana jiro urur ey ku midaysan yihiin bahda caafimaadka dagmada  taasoo sii adkeyneysa in lahelo mutadawiciin caafimaad oo gacan siiya Bulshada ku nool Dagmadan Wanlaweyn.