Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Corona ku shaacisay in la diiwaan geliyay 38 xaalado cusub oo COVID-19 ah.

Warbixinta wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in 12 qofood ay ka bogsootay cudurka, halka qof kale oo hor leh uu geeriyooday xanuunka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub gobalka Banaadir laga diiwaan geliyay 35 ka mid ah, halka 3-da kale laga diiwaan geliyey Somaliland.

Kiisaska cusub ayaa 30 ka mid ah waxaa la xaqiijiyay inay yihiin rag, halka sideeda kale ay dumar yihiin.

Tirada guud ee kiisaska Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 873 xaaladood, waxaa ka bogsootay xanuunkan 87 qofood, halka 39 ruux ay u geeriyootay.