Kulan manta ey” yeesheen  ciidamada Danab maamulka dagmada wanlaweyn iyo odayaasha  dhaqanka dagmada ayaa waxaa looga hadlayey  sidii loo joojin lahaa dilalka aanooyinka qabiilka ah ee ka dhacaya wali dagmadatan Wanlaweyn.

Kulankaan ayaa waxa uu kadambeeyay kadib markii manta nin lagu dilay dagmada  ninkaa oo lagowracay kadibna meydkiisa lagubay kadibna Baraha bulshadana lagu faafiyay, taasoo  aad ey”uga xumaadeen Bulshada qeybaheeda kala duwan  aadna looga dhiidhiyay falkaasi kadib ayaa waxaa Dagmada soo garay madax katirsan ciidamada dowladda.

Ciidamada dowlada ayaa waxa ey sheegeen in ayaga oo u  jooga xakameynta dhibaatada taagan  eydhacaan falakaasi foosha xun waxa eyna sheegeen in eysan u dulqaadanaynin falalka nuucaan ah labada dhinac ayey ugu baaqeen in lajoojiyo hadii lajoojin waayana  in ey xoog adeegsan doonaan eyna dhamaan hubka kadhigi doonaan maliishiyaadkan ku kacaya waxyaabahan kabaxasan islaamnimada  iyo dhaqanka soomaliyeed.

Gudoomiyaha Dagmada Maxamed Siidow Cabdi Raxmaan ayaa waxa uu u sheegay Kaaba Qabiilada in ay celiyaan dhalin yaradooda haday celin waayaana  ciidamada ey tilaabo ka qaadi doonaan hadi dhibaata lagaarsiiyana  cid ay uqabsan karaan eysan jirin   loomana dulqaadan doon falalkan foosha xun oo ey ku kacayaan ayuu yiri  Gudoomiyuhu.

Sidookale taliye ka socday ciidamada Danab ayaa waxa uu sheegay in amaanka uu xil kasaaranyahay cidkastaa ee amarada ciidamada kahor imaada ey”ladagaalami doonaan.

Dhanka kale ciidamada Danab ayaa waxa ey ballan qaadeen  in ey daaweyn doonan dadka  dhawacyada ey ka soo gaareen dagaaladan eyna gacan kasiin doonaan dhinaca daawooyinka ey u baahan yihiin dadka deegaanka waxaa sidaasi ka sheegay kulanka,  Madaxa Caafimaadka Ciidanka Danab Dr. Xassan Maxamed Maxamuud.

Sikastaba ha ahatee waxaana jirin wax waan waan ah ee lagu joojinaayo dagaalkan soo noqnoqday  waxa eyna u muuqataa in  aan wali diyaar aanan loo eheen in lakala dhex galo beelahan dagaalamay  sidee lagu joojinkaraa aanooyinka qabiilka  hadii aaney jirin wax wadahadal ah oo u bilowday labadan beelood ee dirirtu eyka dhexeyso  waxaana wali war aanan ka hadlin  Dowlada faaraalka iyo maamulka konfur galbeed somaliya oo aana wali war rasmi ah aanan kasoo saarin colaadan  qabaliga ah ee mudaba raagaadisay Dagmadaan istiraatiijiga ah.