Waxaa wali kacsan xaalada Dagmada Wanlaweyn waxaana jira barakac balaaraan oo kajira xaafadaha Qaarkood waxaana sare u kacay qiimaha lagu raaco  gaadiidka Dadweynaha dadka qaxaya oo aad u fara badan  awgeed,Dadka qaarkiis ayaa waxa ay magaalada uga bexeeen lug waxaana jira xaalad bili aadan nimo tii ugu xumeed.

Waxaa wali socda dilalkii aanada qabiilka waqtikasta waxaa lasoo tabinayaa Qof ladilay  taasoo wal walka ku sii badinaysa dadka marasta ama Rayidka ah.

Waxaana jirin, wax waan waan ah  oo laga dhex wado  beelahan Dagaalamay  marka laga reebo baaqyo nabadeed oo ey” dirayeen waxgaradka qaarkiis.

dhanka kale  ciidamada milatariga ee jooga dagmada ee ku soo baxay  Colaadan  ayaa waxa kaliya ee ilaa iyo hada ey”qabteen in ay un maydadka u kala gudbiyaan beelahan dagaalamay waxaana laga filayay ugu yaraan in ey” isku keenaan  beelahan Dagaalamay  si ugu yaraan xabada loo joojiyo si ey dilalkan u istaagan.

waxaa jira  hub aruursi  iyo  dhiilo colaadeed waxaana laga cabsi qabaa ciidamadii laga saaray magaalada in ay dib ugu soo noqdaan ama kuwa kusugan  dagmada ey werar qaadan inkasta oo Ciidamada ey dadaal wadaan.

Colaadan ayaa waxa ey tahay tii ugu xumeed ee soo marta dagmada Wanlaweyn 20,kii sano ee lasoo dhaafay dadka ilaa iyo hada geeriyooday ayaa waxa ey” kor u Dhaafayaan 20 Qof, dadkan dhintay badankooda ayaa waxa ey ahaayeen dad aan daaglka ku jirin oo aana qabiil loo dilay  dhaawaca ayaaa waxaa uu gaarayaa inka badan 10 ruux oo ey ku jiraan haween.

Dowlada fadaraalka ah iyo dowlad gobaleedka koonfur galbeed ayana wali ka hadlin dagaalkan   aadka u foosha xun,  waxaadna mooda inaysan war ka heynin dagaalkan lagu hoobtay,   waxaa lamid ah maamulka gobolka shabeelaha hoose  Ayaan sameynin wax dhaq dhaqaaq ah oo muuqda oo wax looga qabanaayo dagaalkan  marka lga reebo in uu Gudoomiyaha Gobolka uu baaq nabadeed bartiisa face booga  uu ku soo qoray.

Sikastaba ha ahaatee colaadan ayaa waxa ey galaafatay dadbadan  waxa ey barakicisay dad aad u farabada oo manta qaxooti ku ah meela kale  oo eysana heysan cid caawisa maadaama ey kasoo tageen wax walba ey ku heysteen guryahooda.