Waxaa manta lagu qabtay Dagmada Wanlaweyn, Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu taagerayay xildhibanada cusub ee Baarlamanka, 2aad, ee  KGS,  gaar ahaan  xildhibaanada kasoo galay Dagmada Wanlaweyn.

Xaflada ayaa waxaa lagu qabtay Hoolka Mamulka Dagamada Wanlaweyn ee gobolkan shabeelaha hoose

Xafladan waxaa ka soo qeyb galay, Gudomiayaha Dagmada Wanlaweyn iyo kuxigeenadiisa Odaaysha Dhaqanka Dhalinyarada bahda Saxafada iyo Ururada Haweenka Dagmada Wanlaweyn.

 

Gudomiayaha Dagmada Wanlaweyn, Mudane Maxamed Siidow Cabduraxman oo ugu horeyn xaflada ka hadlay ayaa waxa uu u hanlbalyey Xildhibanada cusub ee Maamulka KGS guud ahaan, gaar ahaan kuwa ka soo galay Dagmada Wanlaweyn, waxa uuna ilaah uga rajeeyay in xilkaas culus ee loo magacaabay lagarab galo Sidoo kale waxa uu  madaxweyne lafta gareen ku bogaadiyay habka uu u wada howlaha shaqo ee Maamulka KGS.

sidoo kale waxaa goobta ka hadlay qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka Dagmada Wanlweyn Abwaanada, dhalinyarada, iyo Ururada Haweenka ayagoona dhankooda cabiray dareenkooda ku aadan hambalyada xubnaha  Dagmada Wanlaweyn ay ku yeelatay xildhibanada cusub ee Barlamanka 2aad, ee maamulka KGS.

sikastaba ha ahaatee qabsomida Xafladan lagu taagerayay xildhibnada cusub ee baarlamanka KGS ayaa waxey ku soo begmeysa ayadoo maalinimadi shalay caasimada  KMG ah ee magaalada Beydhabolagu dhaariyay xildhibaanada cusub ee baarlamanka KGS.

Ugu dambeyntii waxaa jira beelo kamid ah beelaha daga deegaankan oo aan helin wax xildhibaan ah ayaa waxa ay cabasho udiriin madaxweynaha KGS Cabdi casiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaga oona ka cod saday in laxaliyo tabashadooda  maadaama ay xaq u leeyihiin sida kuwa helay ey xaqa ugu yeesheen .