waxaa Caalmaka ku sii kordhaya halista uu ku haayo Cudurka Coronavirus kaa soo garay inkabadan 160 Dal oo calamka ah waxaana aad u sii kordhaya Dadka u dhimanaya Cudurkani.

wazaarada caafimaadka soomaliya ayaa xaqiijisay in kiiskii ugu horeeyay ee coronavirus ah laga helay soomaaliya 16 marso 2020.

Dowlada Somaliaya ayaana xayiraad ku soo rogtay duulimaadyadii caalamiga ahaa  waxaana lafasaxay goobihii waxbarashada, sida jaamacadahii iyo iskuuladii, waxaana la mamnuucay isu-imaatinka dadweynaha sidaa xafladaha iyo isu soobaxyada kale oo  ey” dadku isugu yimaadaan.

cudurkaan ayaa cabsi weyn ku haaya Bulshada soomaliyeed ayaga oon waxabadana ka aqoonin calaamadihiisa  ka hor tagggisa iyo sida layskaga ilaalinkaro  intaba ayada oo ay dadaalbadan ay wado Wazaarada caafimaadka Soomaaliya.

Diyaar Garowga “ay” Dowlada soomaliya ay samaysay ayaa waxa uu ku egyahay magalada muqdisho oo kaliya, marka laga reebo magaalooyinka waaweyn qaarkood.

Gobolada Dalka iyo Dagmooyinka qaar ayaana wali uusan ka muuqan  wax diyaar Garow ah oo loogu diyaar garoobaayo cudurkaan wadamadii aduunka ugu tunka weynaa ey” taagta u la,yihiin, waxaa loo baahnaa in fadhiga laga koco oo dadaal dheeri ah lasameeyo, ugu yaraan in goobo loocyimo dadka lagu daweyn doono hadii dhibaato timaado Ilaah nooma keeno, somalida waxa ay tiara shar u took haay kheyr waxba kaama dhibee.

hadaba ardayda Reer Wanlaweyn ee waxkabarata Jaamacadaha Muqdisho gaar ahaan kuwa barta Caafimaadka ayaa waxa ay ka qeyb qaadanayaan  sidii ay bulshadooda uga wacyi galinlahaayeen  cudurkan halistabadan ee coronavirus ayagoo u marsiinaya Radio wanlaweyn.

Sidookle  waxa ay” baaq u direen Dhaqaatiirta Dagmada ka howl gala in ay ayagana ka qeyb qataan ololaha looga hortagaayo caafimaad darada gaar ahaan cudurkaan soo ziyaaday bilahan dambe ee Coronavirus.

Ardaydan ayaa waxaa hor muud u ahaa, Cumar xuseen Muudey  & waliyo Cali Maxamed.

Waxa ayna sharaxaad kabixiyeen cudurkaan waxa uu yahay Meesha uu ka imaaday sida lagu kala qaado calaamadaha lagu garto qofkii isga shakiya waxyaabaha uu samaynaayo qaabka lagu kala qaado sida layskaga ilaalin karo  iyo tala guud oo ku saabsan caafimaadka.

Waa markii ugu horeysay ee ardayda barataa caafimaad ay ka qeyb qaataan olole nuucaan oo kale ah waxaana soo dhaweeyay Bulshada kudhaqan dagmada wanlaweyn waxa ayna ku tilmaameen talaabo wanaagsan oo ay qaadeen Ardaydan kudayashana mudan.

Waxa qorey   I.k