Dhagayso : Kulana aan caadi aheyn  oo ey  isugu yimaadeen madaxda Milatariga Buliiska iyo maamulka dagmada wanlaweyn ayaa waxa uu ka dhacay Xarunta maamulka Dagmada wanlaweyn.

Kulankan oo looga hadlaayay sidii  loo adkeyn lahaa amaanka Dagmada  oo maalmihii ugu dambeeyay ey kajireen waxyaabo amaanka Qalqal galinaya  taa soo sababtay in ay manta kulmaan madaxda ka arimisa  amaanka Dagmadan.

kulanka oo Saxaafada ay dibad jog ka aheyd ayaa markii uu soo gabagaboobay waxaa si wadajir ah ula hadlay saxaafada  madaxdii halkaasi ku shireysay  ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Korneel Cabdulle Cali Mire Taliyaha ururka 54aad  ee Ciidsnka Xoogga  waxa uu sheegay in ay maalmahan ay soo badatay  arimo Amini darro ah oo uu keenaayo qori aan  melena ku tiirsanen  ama aan sharciyayasneen waxa uu sheegay in ay isla garteen Gudiga amniga dagmada iyo saraakiishii Guutada  in la xakameeyo hubka bilaa sharciga ah   ee magaalada iyo umadaba lagu dhibaateeyo.

Sidoo kale wxaa goobta  kahadaly Taliyaha Buliiska  Dagamada Wanlaweyn laba xidigle Maxamed Cabdulle Xasan  oo sheegay maaalmahan dambe in ay soo kordheen  dad  fidna wadayaal uu ku tilmaamay  oo aan  melena ka tirsanen ciidanka milatariga iyo buliiska iyo ciidanka dagmada intaba  oo dhibaata ku haaya dagmada qalalaaso joogta ah na kawada  waxa kale ee  uu sheegay in ay go aan sadeen  manta laga bilaabo  in ay tilaabo ciidan ey ka qaadi doonaan waxa uuna diginin u diray dhalinyarada hubka ku qaata dagmada  in talaabo adag laga qaadi doono waa sida uu hadalka u dhigaye.

sidoo kale waxaa ugu dambeyntii ka hadlay goobta Gudoomiyaha Dagmada  Wanlaweyn Maxamed Siidow Cabdi Raxamaan   ayaa u  sheegay shacabka Dagmada  laga bilaabo manta in aan loo dulqaadan doonin  qof qori wata oo shaqsi ah  oo raba in uu dadka dhibaateeyo  looma dulqaadan doono  waxa uuna sidookle fariin u diray odayaasha dhaqanka  in ay horey u saxiixeen in aysan kasoo daba hadli Karin  cidkasta ee wax ku noqota howl galkaas ee  amar diida sameysa tilabo laga qaado in aysan kahadli karin.

Si kastaba ha ahaatee waxaa aad u soo dhaweeyay kulankaan manta ka dhacay Dagmada wanlaweyn ee looga hadlaayay dhanka amaanka Dad ka shacabka ah  ee ku dhaqan Dagmadan ku waa soo ku tilmaamay in ay ey tahay talaabo fiican oo horey loo qaaday  mudanna in lajoogteeyo si  loo hor istaago kuwa amaanka wax u dhimaya ee qoryaha ku dhex  wata shacabka.

Dhinaca kale dhibaatooyinkaan xaga amniga ah ee ku soo noq noqday waxaa  walaac ka muujiyay dadka Deegaanka   ee k u dhaqan dagmada wanlaweyn kuwaas oo sheegay in qaatiyaan ey  ka taagan yihiin  dhibaatooyinkaan aan dhamaadka laheyn.

ugudambeyntii waxaa marar badan amarra soo saaray  madaxda Miltariga Buliiska  iyo Maamulka Dagmada amradaas oo aan wali sidii larabay anan u  hirgalin waxana  ladhowrayaa sida ay u  hirgalin doonan   amaradasi  ey sida wada jirka ah ay u soo wada saareen  madaxda maanta ku  kulanatay Dagmada tan wanlaweyn.