Ciidamada kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo kala duwan waxaa ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 5aad ee DANAB Xasan Aadan Ciraaqi ayaa sheegay in Ciidanka DANAB ay howlgallo ka sameeyeen  deegaannada Qudus, Berxaani, Kanjaron iyo Janaay Cabdale, isla markaana howlgalkaas ay guulo ka gaareen.
Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey in deegaannadaas ay Shabaab kala wareegeen,sidoo kalena ay kulamo la qaateen qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool deegaannada ay howlgalka ka sameeyeen.

Ugu dambeyn waxaa uu ugu baaqay Shacabka ku nool deegaannada ay howlgalka ka sameeyeen inay la Shaqeeyaan Ciidamada Amniga,sidoo kalena uu sheegay inay howlgalka sii wadi doonaan.

Howlgalka Ciidamada DANAB ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ku wehlinayey Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland balse aan la shaacin waxyaabah lagu soo qabtay.