Waxaa meel fiican maraya dhismaha wadada gashaa suuqa hoose ee Dagmada Wanlaweyn taas oo in mudo ah Bur bursaneyd, dhibaata badana ay ku qabeen bulshada isticmaasha.
Wadadan ladhisaayo ayaa ah 2.5Klm /laba kiilow mitir iyo bar waxaana larajaynayaa in ay waxbadan ey ka badali doonto isu socodka iyo bilicda Dagmadaba.
Waxaana aad u soo dhaweeyay Bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku dhaqan Dagmadatan Wanlaweyn in kastoo ay walaac ka muujiyeen Dadka qaarkood qaab dhismeedka wadada iyo buundooyinka ey yeelan doonto wali looma soo bandhigin Bulshada nashqada wadada iyo qaabka loo dhisi doono wey fiicneed in laysla arko qaab ahaanta.
Dhanka kale waxaa wanaagsanaan leheed in si toos ah ay ula shaqeeyaan bulshada shirkada dhisaysa wadada si garab loo siiyo wixii ka qaldanna loola soxo maadaama waxa lasameynaayo ey yihiin wax dadka kadhexeeya ama wax bulshadu wada leedahay.
Dhinaca kale waxaa jira Xaafado ay biyaha ku soo rogmadaan xiliyada roobka hadii aan laga taxadarin oo aan wax kasta lagu talagalin waxa ay noqon doontaa sidii aan ku arki jirnay wadooyinka qaar ee muqdisho oo intabadan ku bur bura roobabka da,a xili roobaaadka
sikastaba ha ahaatee waxaa dayactir helin wadadaan tan iyo markii lasameeyay kudhawaad kontan sano ka hor, dayactirkan waxa uu rajo ku abuuray dadka deegaanka.
Wanlaweyn ayaa waxaa hoos yimaada ku dhawaad shanboqol oo tuulo waxa ayna kamid tahay magaalooyinka sida weyn u koraya Dadkeeduna aad u farabateen waxaana ka jira ganacsi aad u balaaran oo ubadan xoolaha iyo waxyaabaha beeraha kasoo go,