Dagmada Wanlaweyn ayaa waxa ey leedahay xarun lagu Daweeyo Dadkaqaba Cudurka TB da, ama Qaaxada.

Manta yaanu booqanay xaruntaasi si aan ugu kuur galno  howsha ay u hayaan Bulshada.

Waxaana halkaasi kula kulanay howl wadeenada  Xaruntaasi,  waxaa indhahaygu qabanay Dad aad u farabadan oo Qaba cudurka TB,da kuwaa oo  qaadanayay  Dawada Cudurka,  iyo qaar kale oo  horleh  oo ayagana laga baaraayay  cudurka Qaaxada ama TB,da.

Waxaa halkaasi nagu soo dhaweeyay Salemaan Xuseen Muqtaar oo kamid ah howl wadeenada  goobtaasi caafimaad, waxa uu inoo sharaxay qaabka ay u shaqeeyaan  iyo sida ay u daweeyaan Dadka waxa uuna walaac ka muujiyay  isbitaalo yaryar  oo dadka dawo qaldan u qora  mararka qaarna Dad aan qabin cudurka  u sheega in ay qabaan cudurka TB,da  islamarkaana dawa siiya waxa uu inoo sheegay Saleemaan xuseen Muqataar  oo kamid ah howlwadeenada xaruntaasi in ay lacag la, aan tahay baaritaanka iyo dawadaba.

ugu horeyntii  Sulaymaan Xuseen Muqtaar ayaa waxa aan weydiiyay  wxa uu yahay Cudurka T,da  iyo waxa keena cudurkaasi ….