Wiil dhalin yara ahaa oo meed kiisa shalay laga helay duleedka waqooyi ee dagmada wanlaweyn
meydka, ayaa waxaa soo arkay Dad Beeraley ah marka lahelayay Meydka ayaa waxaa uu ahaa mid isbadalay jirkiisa maadaama ladilay Laba maalin ka hor Meesha lagu dilay ayaa waxa ay eheed meel hood ah oo aan la arki Karin dadka waxdilay ayaa waxa ay ugu talagaleen in aan lahelin maydkiisa waa sababta keentay in aan dhaqso loohelin wiilkan Dahlinyarada ahaa ayaa lagaran waayay heebtiisa sawiradiisa oo lasoo dhigay baraha bulshada ayaa waxa ay fududaysay in lahelo Eheladiisa.
Wiilkaan ladilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Yaxye Xasan Daa,uud sida uu inoosheegay Yaasiin xasan Daa,uud oo ah walaalkiis oo kaweyn
Yaxye ayaa waxa uu ku shaqeysan jiray mooto nuuca loo yaqaano Fekonta waxaana lasheegay in ay kasoo kireysteen laba nin oo aan lagaraneyn.
Marxuumka ayaa Waxa uu ahaa 23 jir kasoo jeeda Dagmada afgooye ee gobolka shabelaha hoose
Qoyska uu kaso jeedo marxumkan la dilay ayaa manta soo gaaray dagmada wanlaweyn ayaga oo ka yimid Dagmada Afgooye ee Gobolkan Shabeelaha hoose maanta Duhuradii ayaana la aasay marxuumka.
Marxuumkan walaalkiisa oo lagu magacaabo yaasiin xasan daa,uud oo wareysi siyay Radio Wanlaweyn ayaa shegay in walalkiisa uu ahaa wiilkaan ladilay
Waxa uu sheegay in uu ahaa darawal mooto isla markaana u ka shaqeysanjiray wadada u dhaxeysa afgooye ilaa Muqdisho.
sidoo kale wuxu shegay in ay ugu war dambeysay sabtigii aynu soo Dhaafnay oo tariqduna ay eheed 18/1 /2020 wuxu kalo shegay in aysan ku ogeyn in Wanlaweyn uu soo aaday
Geeradiisuna ay ku ogaadeen vedio iyo sawiro lasoo dhigay barta fecbook
Lama oga sababta ka danbeysa dilka wiilkaan Dhalin yarada ah waxaana cabsi xoogan soo wajahaday dadka ku shaqeysta mootooyinka.
dhacdadaan ayaa ah mid ugub ku ah deegaanka waxa ayna noqotay tan ugu hadal haynta badan oo ay dadku hadal hayaan.
Sikastaba ha ahaatee Booliska Dagmada wanlaweyn ayaa waxa ay sheegeen in ay baarayaan Dhacdadaan xanuunka badan, la,arki doonee kiiskaan Meesha uu ku danbeeyo iyo baaritaan kaan ey sameeyaan Booliska Dagmada Wanlaweyn.
Agaasimaha warbahinta Wanlaweyn ismaciil Khaliif Ahmed ayaa wareysigan soo socda la yeshay wiilka la dilay walalkiisa wuxuna marka hore weydiiyay goortii ay ugu wardambeysay iyo waxa uu ka shaqeyn jiray
Halkaan hoose ka dhageyso codka wareysiga