Maanta oo sabti ah taariikhadana,ay,tahay 18/1/2020 waxaa lasoo afjaray colaadii ka taagneed Dagmada wanlaweyn

waxaana lagaaray hishiis  hishiiskaan ayaa waxaa,kasoo shaqeeyay Gudi loo xilsaaray oo,ka,koobnaa  17  xubnood

waxaana isisa soo hor,fariistay labadii beelood ee,dagaalamay isjiid,jiid dheer kadib waxaa,lagaaray,hishiis

Hishiiska,ayaa waxaa,ku dhawaaqay  labada,beelood nabadonadooda waxaana laysku raacay in lanabadeeyo deegaanka   waxaana lagu heshiiyay dhamaan isbaarooyinka in laqaado  afgooye ilaa  buur,hakaba inta u dhexeysa,in,aan,ladhigi karin,isbaaro qabiil kuwa hada yaalana laqaado

Kulanka waxaa,qeyb ka ahaa maamulka Dagmada wanlaweyn  Boliiska iyo milatariga dhamaantood waxa ay ballan qaadeen in ay  hishiiskaan qeybtooda,ka qaadan doonaan

Odayaasha qaar ayaa waxa,ay eed,u soo jeediyeen ciidanka milatariga eedaas oo ah i  aysan waxaba kaqaban Qulqulatooyinka oo ay intabadan indhaha ka fiiriyaan  waxkasta oo deegaanka ka dhacaayo

Eed taas  lamida ah ayaa waxaa loojeediyay Booliska dagmada wanlaweyn oo lagu ee deyay in  uu gabay  howshii loo igmaday

Hishiiskaan ayaa waxaa aad,u soo dhaweyay dadka deegaanka kuwaa oo dhagta,kor u hayay sugayeyna waxa,kasoo baxa

Dagmada wanlaweyn ayaa maanta,waxaa,ka jiray barakac,xaafadaha qaar

dadka qaxaya qaar oon,lahadalnay ayaa waxa,ay nosheegeen in ay ka cabsi qabaan

in dagaal ku qabsado gudaha dagmada hadhowna meel ay kabaxaan ay waayaan

colaadaan ayaa waxa ay saameyn ku yeelatay  ganacsigii iyo waxbarashadii  tan iyo 14 .kii bishan waxaa ladhihi karaa wax,ganacsi ah kama jirin  wanlaweyn  waxaana laga war sugayay waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee deegaanka Waxaana aad,loogu farxay warkaan markii uu soo baxay

Ugu dambeyntii  hishiiskaan ayaa ahaa mid aad loogu baahnaa hayeeshee waxa uu u baahanyahay in la hirgaliyo hiragalintiisana waxaa,looga fadhiyaan dhamaan dhicyada ku lugta lahaa ee,ballanqaady,hirgalintiisa

 

halkaan hoose codadka odayasha