Ciidanka xoogga dalka Iiraan ayaa sheegay in uu si aan kas iyo kutalagal ahayn u soo riday diyaaraddii Ukraine, sidaasna waxaa shaaciyey Telefeshinka Rasmiga ah ee Waddanka Iiraan.

War murtiyeedka ciidanka Millateriga Iiraan ayaa lagu sheegay in gefkaasi ka dhacay gantaal si qalad ah loo ganay islamarkaana la ciqaabi doono cidda mas’uulka ka ah qaladkaas.

Ukrainian International Airlines ayaa Arabacadii 8_Jan-2020 waxa ay kudhacday deegaan u dhow magaalada Tehraan waxaana ku dhintay 176 qof oo ahaa rakaabka diyaaradda sida ay sheegtay Associated Press.

Iiraan waxa ay sheegtay in cabsigelinta iyo xad-gudubka Mareykanku sababay soo dhicidda diyaaradda Ukrain sidaasna waxaa shaaciyey Telefeshinka CNN.

Diyaaraddan ayaa ahayd nuuca Boeing 737 ayaa ka kacday garoonka diyaaradaha ee Teheran airport (IATA: IKA) waxa ayna ku jeedday garoonka diyaaradaha ee Kyiv’s Boryspil airport (KBP), madaxweynaha Ukraine’s president Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in uu dhacdada xannuunka badan ka ogaaday ciwaankiisa  Facebook