Wakiillo ka socda kooxda Juventus ayaa soo daawaday saddex ka mid ah xiddigaha kooxaha Liverpool iyo Tottenham, waxaana ay kala yihiin Eriksen, Son iyo Salah, kuwaasoo ay naadiga reer Talyaani indhaha ku hayso.

Sida ay warinayso Jariiradda Tuttosport kooxda Juventus ayaa daawatay kulankii Liverpool ay guusha ka gaartay Tottenham Axaddii ee horyaalka Premier League xiddigaha  Mohamed Salah, Christian Eriksen iyo Son Heung-min kuwaasoo ay diiradda ku hayso.

Kooxda difaacanaysa horyaalka Serie A ayaa isku diyaarinaysa inay ka caawiso macallinkeeda cusub ee Maurizio Sarri inuu suuqa si fiican u galo si uu kooxda uga caawiyo inay ku guuleysato Champions League iyo sidoo kale inay sii wadato hanashadeeda horyaalka.

U dhaqaaqista Eriksen, kaasoo awood u leh inuu qandaraas hordhac ah la saxiixdo bisha Janaayo ayaa loo arkaa mudnaanta koowaad, laakiin Salah iyo Son ayaa sidoo kale loo calaamadeeyay bartilmaameedyo macquul ah kaddib markii ay soo jiiteen Juve intii lagu jiray kulankii Axaddii ee ka dhacay garoonka Anfield.

isha- Gool FM.