Kabtanka kooxda Barcelona ayaa xalay shabaqa soo taabtay labo jeer kulankii ay guusha ka gaareen Real Valladolid ee horyaalka La Liga.

Messi ayaa kulankan labo gool dhaliyey labo kalena caawiye ka ahaa, laakiin waxa aan warbixintan kaga hadlaynaa kaliya laadkii xorta ahaa uu uu dhaliyey qeybtii hore ee ciyaarta.

32-sano jirkaan Messi ayaa laad xor ah (free kick) ku dhaliyey goolka saddexaad ee ay Barcelona la timid kulankan ay guusha ka heleen Real Valladolid, taasoo ka dhigan in Leo uu dhaliyey goolkiisii 50-aad ee laad xor ah oo toos ah xirfaddiisa ciyaareed.

Xiddiga xulka qaranka Argenina ayaa xalay xaqiijiyey goolkiisii 50-aad ee uu ku dhaliyey laad xor ah xirfaddiisa ciyareed oo dhan.

Lionel Messi ayaa 50-kaas free kick ee uu dhaliyey xirfaddiisa waxa uu 44 ka mid ah u dhaliyey kooxdiisa Barcelona, halka lix laadadka xorta ahna uu u saxiixay xulkiisa qaranka Argentina

View image on Twitter

Kabtan Messi ayaa haatan afar gool dhaliyey saddexdiisii kulan ee ugu dambeeyey kaddib markii uu ka soo laabtay dhaawac uu Barcelona kaga maqnaa afar kulan lixdii kulan ee ugu horreeyey oo ay ciyaartay kooxdiisa.

isha – Gool FM.