. Kabtanka kooxda Barcelona ayaa xalay shabaqa soo taabtay labo jeer kulankii ay guusha ka gaareen Real Valladolid ee horyaalka La Liga.

Messi ayaa kulankan labo gool dhaliyey labo kalena dhigay, laakiin waxa aan warbixintan kaga hadlaynaa kaliya inuu dhaafay goolasha uu heerka kooxaha dhaliyey Cristiano Ronaldo.

Kabtanka xulka qaranka Argentina labada gool oo xalay uu dhaliyey waxaa midka hore uu ahaa laad xor ah (free kick), taasoo ka dhigan in Messi uu dhaliyey goolkiisii 50-aad ee laad xor ah oo toos ah xirfaddiisa ciyaareed, 44 uu u dhaliyey Barca iyo lix uu u dhaliyey xulkiisa Argentina.

Lionel Messi ayaa xalay dhaafay CR7 guud ahaan marka la eego goolasha ay dhaliyeen labadaan laacib heerkooda kooxaha.

32-sano jirkaan Messi ayaa dhaliyey 608 gool 695 kulan oo uu ciyaartay heerkiisa kooxaha, halka Cristiano Ronaldo uu heerkiisa kooxaha dhaliyey 606 gool 813 kulan oo uu saftay.

Messi ayaa ka rikoor fiican Ronaldo marka loo eego kulammada uu ku dhaliyey 608 gool, waxaana weeraryahanka Juventus uu haatan dheerayay kaliya labo gool.

CR7 ayaa jawaab looga rabaa sheekadan marka uu caawa ciyaarayo kulanka horyaalka Serie A ee kooxdiisa Juventus ay ka horjeeddo Genoa, kaliyana Ronaldo waxaa ku filan inuu caawa saddexleey saxiixo si uu u dhaafo Messi.

isha- Gool FM.