Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay kalsooni ku qabto inay dhammaystiri doonto saxiixa Moussa Dembele.

Warsidaha Soccerlink ayaa warinaya in Manchester United ay sii kordhayso kalsoonida ay ku qabaan inay dhameystiraan heshiiska weeraryahanka kooxda Lyon ee Moussa Dembele bisha Janaayo.

Man United, Arsenal iyo Liverpool ayaa dhammaantood ugaarsanayay weeraryahankan 23-sano jirka ah suuqii xagaaga, laakiin Madaxweynaha kooxda Lyon ee Jean-Michel Aulas ma uusan dooneynin inuu iibiyo xiddigii hore ee naadiga Celtic.

Wararku waxa ay intaa ku daryaaan in Madaxweynaha kooxda Lyon ee Jean-Michel Aulas uu haatan diyaar u yahay inuu iska iibiyo laacibkan.

Kooxda Manchester United oo dadaal ugu jirta sidii ay u xoojin lahayd weerarkeeda suuqa Janaayo ayaa la soo sheegayaa inay haatan kalsooni ku qabto inay heli doonto dhaliyahan oo ay ku garaaci doonto saxiixiisa Gunners iyo Reds.

isha -Gool FM.