Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo uu wehlinayo dhigiisa dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa maanta waxaa ay Ku wajahan yihiin Magaalada Baydhabo ee gobolka bay.

Wararka ayaa sheegaya in wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamanaka Jabuuti ay saakay soo gaaraan Magaalada, islamarkaana kadib waxaa ay u ambabixi doonaan Magalada Baydhabo.

Sababta ay u tagi doonaan Magaalada Baydhabo wafdiga ayaa waxaa lagu sheegay inay ka qeyb-geli doonaan furitaanka kal-fadhiga 5aad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed oo ah kii ugu dambeeyey,kaas oo furmaya Maalinta berito oo Talaado ah.

Sidoo kale wafdigaan ayaa inta ay ku sugan yihiin Magalada Baydhabo waxaa ay kulamola qaadan doonaan Madaxda ugu sareysa Maamulka Koonfur Galbeed.

Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa saakay loo adkeeyay.