Ergada degmada Cadaado uga qeybgalaysa shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug ee dhawaan furmi doona ayaa gaaray xarunta dowlad goboleedka Galmudug ee magaalada dhuusamareeb.

Wafdigan oo ka kooban hoggaamiyeyaasha bulshada iyo odayaal dhaqameed,waxaa halkaasi si diirran ugu soo dhoweeyey xubno ka tirsan Guddiga Qabanqaabada Shirka dib-u heshiisiinta,Waxgarad, Ergadii Horay Dhuusamareeb u gaartay iyo bulshada Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb qeybaheeda kala duwan.

Wariyaha warbaahinta Qaranka ee Dhuusamareeb Max’ed Cabdi Max’ed  wuxuu intaasi ku daray in Xubnaha ergada Cadaado u matalaya shirkaasi ee maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb la dejiyay halkii loogu talagalay,waxayna ka mahadceliyeen sida diirran ee loo soo dhaweeyay iyo sida ay ugu soo diyaar garoobeen ka qeybgalka shirka dib-u-heshiisiinta beelaha Galmudug..

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socda qaban qaabadii ugu dambeysay ee furitaanka shirka dib- u heshiisiinta Galmudug,waxaana haatan ku sugan dhammaan Ergooyinka ka qeybgalaya shirka.