Guddoomiyaha gobalka Shabeellaha hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo la hadley warbaahinta Qaranka ayaa sheegey inuu maanta kulan la qaatey hay’adaha samafal iyo beesha Caalamka.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Mas”uuliyiin ka socdey Xafiiska ra’isul wasaaraha, Wasaaradda arrimaha gudaha Dowlada dhexe ee dalka iyo agaasimaha guud ee Wasaradda arrimaha gudaha Dowlada gobaleedka koonfur galbeedka Soomaaliya.

Ibraahim Aadan Cali Najax,Gudoomiaha Gobalka Shabeellaha hoose ayaa u ujeedka kulanka  ee hay’adaha ku sheegey Sidiii  gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka degmada Awdheegle iyo deegaanada kale ee dhowaan laga xoreeyay Maleeeshiyada Al-shabaab ee dhibaatada Shacabka Ku hayey.

Gobalka Shabeelaha ayaa waxaa kasocda howlgalo maleeshiyada Shabaab looga xureynayo deegaanada ay kaga  dhuumaleysanayaan araggixisada Al-shabaab, iyadoo maamulka gobalkana uu sheegey in Dhammaan deegaanada shabaab ay kaga dhuumeleysanayaan gobalka laga xureyn doono.