Waxaa manta lagu qabtay Xerada ciidamada Bali doogle Ee Gobolkani Shabeelaha hoose xaflad si heersare ah loo soo agaasimay oo ay kasoo qeyb galeen taliya yaasha ciidamada somaliya iyo taliyayaal kasocday Amison waxaana goobjoog ka ahaa saraakiil mareykan ah sidookale waxaa kasoo qeyb galay gudoomiyaha dagmada wanlaweyn iyo ururada haweenka xafladan ayaa waxaa lagu soo xirayay tabar in mudo ah u socday ciidamdada xooga dalka gaar ahaan guutada 7aad qeybta 60aad.
Taba barkan oo in mudo ah socday ayaa waxaa bixinaayay ciidamada Amisom waxa ayna kubarteen ciidamada soomaliya sugida amniga gaar ahaan ilaalinta amniga guud ahaa gaar ahaan xerada Balidoogle xeerarka milatariga iyo ladhaqankan Bulshada iyo Taatikooyinka Dagaalka Askarta waxa ay isugu jireen saraa kiil saraakiil xigeen iyo dabley.
Abaanduulaha Guutada 7aad qeybta 60aad Ee ciidanka xooga dalka soomaaliya korneel cabdulaahi Cabdi Dowle iyo taliyaha islaguutadan xassan jaamici oo lahaa abaabulka Tabarkan ayaa ugu horeyntii Xaflada waxaa furay abaan duulaha asgoona ka warbixiyay marxaladaha uu soo maray tabarkan waxa yaabaha lagu bartay iyo sida ay uga faaiidaysteen askarta waxa uuna sheegay Abaaduulaha in ay sii socon doonaan tabarada aqoonta ciidamada kor loogu qaadaayaayo dardaaran oo uu soo jeediyay cidamada ugu sheegay waxa ay barteen in ay dhaqan galiyaaan waxa uu umahad celiyay taliyay ciidamada mareykanka oo bixiyay Dhaqaalihii ku baxaayay taba barkan waxaa kaloo uu u mahad celiyay ciidamada Amison oo ayaga tababarka bixinayay. Sidoo kale waxaa hadlo dhiiri galin iyo dardaarn ubadnaa kasoo jeediyay hakaasi Taliyaha guutada 7aad qeybta 60aadee ciidanka xoo ga dalka somaliya ay xil iska saaraan howsha loo igmaday sidoo kale waxaa uu umahad celiyay cid kasta ee gacan ka geysate siminaarkan
Guutadan ayaa waxa ay qaabilsantahay ilaalinta amaanka deegaankan shabeelaha hoose gaar ahaan Afgooye ilaa bali doogle waxaana lafilayaa inwax badan ay ka badali doonto aqoontooda iyo wax qabadkoodaba iyo in ay wax ka badasho habka ladhaqanka bulshada maadaama ay qaateen casharo ku saabsan ladhaqanka bulshada
Guutadaan ayaa waxaa lagu xasuusta soo afjaridii dagaaal beeleedkii kasocday Dagmada Wanlaweyn iyo qaadida isbaarooyin dadka Shacabka ah dhib ku hayay Gudoomiyah dagmada wanlaweyn ayaa asagan ladardaarmy ciidamada tabarka loo soo xeray asagoona ku baraarujiyay in ay shacabkooda u shaqeeyaan ayna noqdaan kuwa u adeega
Sikastaba ha ahaatee Taliye xassan jaamici iyo abaan duule Cabdulaahi Cabdi Dowle ayaa waxa ay kawadaan deegaanka wax yaabo bulshada u hor seeedi kara hor u mar iyo cadaalad