Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa kulan aan caadi aheyn oo albaabada u xirnaa waxaa uu Xerada Xalane kula qaatay Safiirada dalalka Caalamka u jooga Soomaaliya, isagoo la wadaagay go’aankii dowladda Soomaaliya xiriirka ugu jartay dalka Guinea.

Shir jaraa’id oo uu Wariyeyaasha u qabtay ayuu sheegay in safiirada uu la kulmay uu la wadaagay in Guinea ay ku xadgudubtay Qaranimada Soomaaliya, isla markaana ay caqabad ku tahay wada hadalada iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxaa uu sidoo kale qiray iney jiraan dalal dhowr ah oo maleegayo tallaabooyin ka dhan ah Madax banaanida dalkan, balse ay digniino dhowr ah u direen, wixii haatan ka dambeeyana aan wax dulqaad ah loo yeelan doonin.

Image may contain: 1 person, standing and suit