Taliyaha guutada 7aad qeebta 60aad ee ciidanka CXDS Gaashaanle sare Xasan Maxamed Abuukar oo loo yaqaano xasan jaamici
Hadalka ay qoonsadeen Odayaasha ayaa ahaa in uu imaan doono Xildhibaan jeesow kaasoo uu sheegay in ay nabadeen doonaan beelihii dagaalamay
Odayaasha ayaa waxaa ay sheegeen in uusan shaqa kuleheen deegaanka xildhibaan jeesow uuna ka soo jeedo hir shabeele uusanna shaqa kuleheen nabadeynta deegaankaan Taliyaha ayaa waxa ay ugu baaqeen odayaasha hadii uu doonaayo deegaanka in lanabadeeyo uu ugu yeero xildhibaanada laga soo doortay deegaanka xildhibaanno aan xildhibaanadaasi eheena aysan aqbali doonin
Warbixin aannu ka qornay oo aan ku daabacnay bogeena rasmiga ah shalay kulankii ay qaateen odayaasha iyo taliyaha ciidanka ayaa waxaa dadbadani ay u fahmeen in uu qoraalku ahaa mid ay isku af garteen taliyaha iyo odayaasha in uu imaado xil dhibaan jeesow deegaanka sidaasina maaheen warbixinta
Qoraalka waxa uu ahaa xigasho laga soo xigtay taliyaha oo kaliya ee maheyn war ay soo wada saareen labada dhinac ee wada Shiray
Odayaasha oo lahadlay warbaahinta maxaliga ah oo uu kamid yahay Radio wanlaweyn waxa y baaq u direen dowlada fadaraalka ah iyo tan koonfur galbeed somaliya baaqaas oo ku aadanaa in loo dhaafo talada deegaankooda lagana reebo dadka aan kasoo jeedin deegaanka kuwaa oo ay tilmaameen in ay uga darayaan xaalada hadda ka jirta deegaanka
Ugu dambeyntii madaxda ugu sareysa DFS iyo tan KGS ayaan wali si rasmi ah aysan uga hadlin dhibatada taagan taasoo inbadan lagu cel celiyay wax kaqabashadeeda macada halka ay ku dambeyn doonto xaalda waxaana loo baahan yahay sidii looga hortagi lahaa dhibaatadan taagan ayada oo latex galinaayo codsiyada ay soo jeedinayaan odayaasha dhaqanka