Taliyaha guutada 7aad qeebta 60aad ee ciidanka CXDS Gaashaanle sare Xasan Maxamed Abuukar oo loo yaqaano xasan jaamici ayaa manta waxaa uu kulan kula qaatay xarunta Maamulka. odayaasha dhaqanka iyo maamulka Dagmada Wanlaweyn kulalankaa oo saacada qaatay ayaa waxaa looga hadlaayay amaanka iyo sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha amni darro ee ka jira deegaanka odayaasha ayaa waxa ay waydiiyeen su aalo badan qaar badanoo kamid ah su aalahaasi ayaa waxa uu sheegay in uu dib ugula noqon doono madaxda ka sareeysa
taliyaha ayaa waxa uu ballan qaaday in wax laga qaban doono isbaarooyinka waxa uuna sheegay in lanabadeyn doono beelihii dagaalamay
Dhankakale waxaa maalintii shalay eheed ladhaawacay wiil dhalin yara ahaa kaasoo ay dhaaweceen ciidamada uu taliyaha uyahay gaashaanlaha mar wax laga weydiiyay arinkaasi waxa uu sheegay in ay ayaga daaweyn doonan waxa uuna odayaasha karaali galiyay falkaasi ay geesteen ciidamada
Sikastaba ha ahaatee taliyahan ayaa kusugnaa dagmda tan iyo markii uu dagaalka uu ka dhacay waxa uuna ku guulaystay in uu qaado isbaaradii uu Dhibku ka taagnaa lkn waxa uu ku guul dareystay inuu ciidamadii isbaarada laga qaaday in uu meel geeyo shalay ayey eheed markii qof lagu dhaawacay gudaha dagmada kaa soo markii dambe dhaawacaas u geeriyooday ciidamada dhaawaca geeystay ayaa waxa ay ahaayeen kuwii isbaarada laga qaaday waxaana laga dareemayaa magaalada in ay ciidamo farabadan ku sugan yihiin kuwaa oo khal khal badan ku haya dagmada
Ugu danbeyntii waxaana wali gurayahooda aan ku soo noqonin dad fara badan oo ka cararay colaadan oo raja kaqaba in xal laga gaaro dhibatooyinkaan soo noqnoqday
waxaa laga dhur sugayaa ballan qaadka uu sameeyay taliyaha ciidamada kaasoo sheegay in uu dhameyn doono coladaan darteedna uu u joogo deegaanka uuna lakaashan doono xildhibaanada golaha qaranka qaarkood ee ku heybta ah beelahaan dagaalamay ayna soo gaari doono deegaanka malmaha fooda inagu soo haya haddii allah idmo