Odayaasha Dhaqanka dagmada wanlaweyn ayaa ka hor yimid hadal ay horey jeediyeen odayaal sheegay in ay yihiin odayaasha dhaqanka dagmada wanlaweyn Shir jaraid oo ay maanta ku qabteen gudaha Dagmada Wanlaweyn odayaashan ayaa waxa ay kaga hadleen sida ay uga xun yihiin in Odayaal aanan kasoojeedin wanlaweyn ay sheegtaan in yihiin odayaasha dhaqanka Dagmada Wanlaweyn isla mar ahantaana ay lajireen xil dhibaano katirsan BFS waa sida ay hadalka u dhigeene
waxa ay sheegeen odayaashaasi in ay kaso jeedaan degaanada maamulka hirshabele waxa ay tilmaameen odayaasha manta shirka jaraaid qabtay in daagaalkii kadhacay dagmda uu ahaa mid u dhexeeyay Mooriyaan layskuna haystay Isbaaro taasoo xal laga gaaray xal xalkaasoo gacan weyn ay ka geesteen ciidamada dowladda ka jooga deegaanka ayna xaliyeen lana qaaday isbaaradii lays ku haystay.
sidookle waxa ay eedeyn kulul u soo jeediyeen Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ay ku edeeyeen in uu faragalin ku haayo maamulka kgs gaar ahaan dagmada wanlaweyn dhulbalaarsina uu wado.
Dhanka kale waxa ay shegeen odayaasha in hadii uu yimaado Xildhibaankan Deeganka in ay jaawab adag kabixin doonaan masuuliyadeedana uu qaadi doono wixii halkaas kadhaca.
dhanka kale odayaasha waxa ay codsadsi udireen maamulka kgs in ay ka hor istaagaan Xildhibaan Jeesow in uu yimaado deegaanka.
Bartamahii bishii abriil ayey eheed markii ay yimaadeen xil dhibaano iyo sanataro uu hor kacayay xildhiban jeesow kuwaa oo u yimid xalinta dagaalkan ay hada kahadleen odayaasha sheegaty in ay yihiin odayaasha dhaqanka dagmada wanlaweyn markaas oo sidaan ookle ay uga cawdeen waxyaabaha uu kawaday deegaanka odayaasha Dhaqan Dagmada Wanlaweyn
Dhawaan ayey eheed markii ay arinkaan ay si kulul ay oga kahadashay xildhibaanad Nadiifo Aadan Isaaq oo katirsan BFS kana soo jeedo Xil dhibaanada laga soo doortay Dagmada Wanlaweyn aydoo ku tilmaantay wax laga xumaado in xildhibaan amiin jeesow uu kahadlo xaalad kajirta wanlaweyn uuna shaqa kuleheen dagmda islamarkaana uu yahay xildhibaan kasoo jeeda hir shabeele
sikastaba ha ahaatee waxaana la ogeen xaladan meel ay ku dambeyn doonto maadaama ay kala fog yihiin labadan dhinac ee warbaahinta isu adeegasaday waxaana ladhowrayaa sida ay uga jawaabaan odayaayaashaan la eedeeyay