Xalay fiidkii hore abaaraa 8:00pm waxaa Bam lagu weraray saldhiga degmada wanlaweyn ee gobolka sh/hoose werarkaas kadib ayaa waxaa ciidamada ay rideen rasaas xooggan oo ay ku ridayeen goobta ay tuhmayeen in laga soo tuuray Bam Gacmeedka Inta la xaqiijay werarkaasi Bamka ah waxaa ku dhintay hal Askari oo Boolis ah halka midkalenena uu kudhaawcmay
Askarigii Booliska ahaa ee ku dhaawacamay waxaa lagu dabiibayaa isbitaal ku yaal degmada Wanlaweyn waxana la soo sheegeyaa in xaaladiisa caafimaad ay so hagaageyso
Weerarkaan ayaa waxa uu noqonayaa kii 5aanaad ee kadhaca saldhiga booliiska dagmada wanlaweyn Bamkaan kuwii ka horeeyay cidna waxba kuma noqn balse kani waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee ay ciidamada wax ka soo gaaraan
weerarkan ayaa waxaa sheegatay alshabaab ayagoona sheegay in ay weerareen ciidamo katirsan kuwa konfur galbeet oo ku sugnaa saldhigga dagmada wanlaweyn waxaana wali kahadlin weerarkan maamulka konfur galbeed somaliya iyo kan dagmada wanlaweyn
Shalay ayay eheed markii uu soo Booqday Madaxweynaha kgs mudane cabdi casiis xasan maxamed lafta gareen dagmadatan wanlaweyn waxeyna eheed markii ugu horeyasay ee uu soo booqdo intii ladooraty madax weynaha kgs
maamulka kgs ayaa Bilihii ugu dambe ku soo noqnoqanaye deegaanka taasoo cadaynaysa sida ay muhiim ugu tahay maamulka kgs D/wanlaweyn
madax weynaha kgs ayaa Ballan qaaday in uu waxbadan ka qaban doono dhibaatooyinka kajira deegaanka waxa uuna saas yiri mar uu lahadlaayay odayaasha dhaqanka D/wanlaweyn
ugu dambeyntii waxaa laga Dhur sugayaa ballan qaadkaan uu sameeyay madaxweynaha. Dadka shacabka ayaa waxa ay ladaalaa Dhacayaan dhibaatooyin heysta ay ugu horeeyso isbaarooyin mararka qaar oo lagu kor dagaalamo isku dhacyada hada jira ayaa waxaa saabab u ah isbaarooyin laysku qabqasado.
Ma,ogolaaneyno isbaaro waxaa dhahay madax weynaha taas ayaana laga dhur sugaaya shacabka ayaa soo Dhaweyay hadalkaasi lkn rajada laga qabo ayaa ah mid aad u yar maadaama ay madax badan ay horay u ballan qaadeen in ay isbaarooyinka kacirib tirayaan.