Waxaa  booqasho rasmi ah ku yimid Dagmada wanlaweyn ee Gobolkani shabeelaha hoose  Madaxweynaha Kgs mudane Cabdi casiis Xassan Maxamed Lafta gareen iyo wafti ballaran uu hogaaminaayo  wafadiga ayaa waxaa kamid ahaa Waziirka amniga  Waziirka Dakadaha  waziir ku xigeeno  xildhibaano kgs   iyo xildhibaano fadraalka kasocda  malaaqa guud   ee Beelaha dega Wanlaweyn  Aqoon yahano kasoo jeedo deegaanka iyo suxafiyiin

Waxaana si heer sare ah loogu soo dhaweyay  dagmada  wanlaweyn. wafdigaan ayaa waxa ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha ee balli doogle waxaana halkaa uga hortagay maamulka dagmada wanlaweyn oo uu ugu  horeeyo G/dagmada Wanlaweyn ahna Duqa Dagmada Wanlaweyn Maxmed Siidow Cabdiraxmaan inta uu ku sognaa balli doogle madaxweynaha waxa uu lakulmay  madaxda ciidamada Somaaliya iyo kuwa AMISON waftigan  ayaa waxaa loosoo galbiyay dagmada

Bulshada qeybeheeda kala duwan  ayaa siweyn u soo dhaweyay madaxweynaha waxaana hadal soo dhaweyn ah kajeediyay goobta G/dagmada  kalunka ayaa waxaa goob jog ahaaa odayaasha Dhaqanka wax garadka dagmada  ururada haweenka iyo Dhalinyarada bahada saxaafada isbortiga

odayaasha dhaqanka ayaa waxa ay kahadleen  waxyaabaha Dhibaatada ku ah  deegaanka  waxa ayna ka codsadeen madaxweynaha in uu isbaarooyinka  dhax yaalo dagmada laga qaado iyo in isbitaal guud ay hesho dagmada

ugudambeyntii waxaa hadalka qaatay madxweynaha KGS  waxaana uu kamahad celiyay soodhaweynta ballaaran  ay u sameeyeen  Bulshaweynta dagmada  Wanlaweyn  waxa uuna u ballan qaaday in uu wax kaqaban doono cabashada ay soo jeediyeen Odayaasha

mahan markii ugu horeysay uu soo booqdo madax weyne xil ka haya kgs wanlaweyn madaxweyne Shariif  ayaa horey usoo booqday dagmadan waxyaaba badan uu ballan qaadayna wey hirgali wayeen  waxaana ladhowrayaa ama laga warsugayaa madaxweyne cabdi casiis balanqaadkiisa wixii ka hirgala waftigan ayaa waxa ay ku laabten magaalada Muqdisho galinkii dambe ee manta

Q/I k