Xiisad colaadeed oo markale ka taagan Dagmada wanlaweyn ee Gobolk Shabeelaha hoose

dagaal saakay arootii hore dhacay ayaa waxaa ka dhashay qasaaro xoogleh wararka aan ka heleyno deegaanka lagu dagaalamay ayaa  sheegaya in inkabadan todobo ruux ay ku thinteen dhaawaca waa shankle dagaalka ayaa waxa uu u dhexeeyaa laba maliishiyo beeleed oo halbeel kasoo wada jeeda kuwaa oo horay ugu dagaalamay deegaanka bishii apriil ayey eheed Marki la hishiisiiyay ee sanadkaan dagaalka waxa  uu ka dhacay meel 10kiilowmiter u jirta dagmada wanlaweyn waxaana laga cabsi qabaa in dagaalku ku so fido  dagmada wanlaweyn oo ay ku sugan yihiin kooxaha dagaalamay koox kamida

Waxaa ladareemayaa saan saan colaadeed majirto wax waan waan ah ee laga dhex wado labadan maliishiyo  saacad kastana waxaa lafilan karaa dagaal

Dadka shacabka ah ayaa walaac xoogan ka qaba in lagu kor dagaalamo waxaana qax kabilowday xaafadaha qaar sida baaraan iyo muuri  siweyn ayaa looga qaxayaa waxaadna ar keysa dad farabadan oo  caruurtooda gacmaha haya iyo dad waayeel ah oo laga saraayo xaafadaha laga cabsi qabo in uu saameeyo dagaalka

maamulka dagmada wanlaweyn  Ayaan wali kahadlin xiisadan cusub

Xildhibaano iyo sanataro  kasocda dowlada fadaraalka somaaliya   ayaa waxa  ay  u yimaadeen bishii apriil bartamaheedii xalinta isku dhacyadaan waxaa ayna ku guul dareysteen  in ay si kama dambeys ah u xaliyaan colaadaan

Odayaasha deegaankan ayaa waxa ay ku eedeeyeen xildhibaanada in ay kashaqeyeen in isbaarooyin horleh ladhigo deegaanka taasoo ay ka digeen in ay keeni doonto fowdo iyo isku dhacyo horleh

Waxaad mooda in loo noqday 1992 cidkasta ee qori heli kartaa waxaa ay isku dayaysaa in  ay isbaaro dhigato waxaana ay noqotay ila ha kaliya ee  dhaqaale ee si fudud  lagu heli karo waxaana sii kordhaya  isbaarooyinka cusub waxaana ay  dhibaato ku yihiin dadka shacabka

Madaxda ciidamada ayaa waxaa lagu eedeeyaa in ay iyagu qeeb kayihiin isbaarooyinka  waxaana jiray isku dayo lagu doonaayey in lagu qaado isbaarooyin kuwaas oo guul dareystay

Dhimashada colaadaan soo noqnoqotay ayaa waxa ay gaartay ilaa 24 qof  waxaan wali jirin wax waan waan ah oo muuqda taas lagu daminaayo colaadan soo noqnoqotay waxaana looga fadhiyaa dowlad goboleedka konfur galbeed  maamulka gobolka shabeelada hoose  kan dagmada wanlaweyn xal kagaarida colaadaha ku soo noq noqday degmada wanlaweyn