(radiowanlaweyn) 03 Maajo 2019. Laacibka khadka dhexe ee kooxda Liverpool Naby Keita ayaa seegi doona inta ka harsan xilli ciyaareedkan, kaddib markii uu ku dhaawacmay kulankii Champions League ee Arbacadii ay guuldarrada kala kulmeen Barcelona sida la xaqiijiyey.

Xiddiga xulka qaranka Guinea ee Keita ayaa dhaawac garoonka looga saaray qeybtii hore kulankii ay khasaarada 3-0 kala soo labteen garoonka Camp Nou, waxaana lagu bedelay Jordan Henderson 25-kii daqiiqo ee ugu horreeyey kulankaas.

Keita ayaa la kulmay dhakhaatiirta kooxda, macallinka Liverpool ee Jurgen Klopp ayaana xaqiijiyey in laacibkan khadka dhexe uu dhaawacan ku seegi doono ugu yaraan labo bilood.

“Dhab ahaan waxay ahayd nasiib xumo.” ayuu yiri macallinka reer Jarmal oo hadalkiisa intaa ku daray: “Waa war xun, waxaa soo gaaray dhaawac aad u heer sarreeya”

“Waxa uu garoomada ka maqnaan doonaa ugu yaraan labo bilood:

“Waa war inoo xun innaga iyo xulka Guinea ee ka qeyb galaya kulamada soo socda tartanka qarammada Afrika, tani ma wanaagsana”

Liverpool ayaa kulamada ku soo aaddan horyaalka Premier League, waxa ay la kala ciyaaraysaa Wolves iyo Newcastle, sidoo kale kulan ka dhici doona garoonka Anfield ayey la yeelan doontaa Barcelona lugta labaad ee afar dhammaadka tartanka Champions League.

Keita ayaa ku soo biiray kooxda Liverpool xagaagii hore, kaddib markii ay Reds kala soo saxiixatay naadiga RB Leipzig.

24-sano jirkaan ayaana ku dhibtooday xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey ee kubadda cagta Ingiriiska, inkastoo uu dhowaan soo bandhigay horumar aad u ballaaran, islamarkaana uu dhaliyay saddex gool shantii kulan ee uu saftay ka hor kulankii Arbacadii ay booqdeen garoonka Camp Nou.