1/5/2019 / Radio wanlaweyn.com >Waxaa sara ukac dhanka wax barashada ah laga dareemaya degmadatan wanlaweyn ee gobolka shabeelaha hoose waxaana ku soo ziyaaday machad tayadiisu sareyso mac,hadkaasi waa mac,ahadka Shamsul Macrifa oo ah mac,had lagu barto Culuumta shareecada iyo Luuqada Carabiga Mac,hadkaan ayaa waxaa la,aas aasay 12/2017 waxaana hada ka qalin jabiyay dufcaddii ugu horeysay oo isugujira wiilal iyo gabdho Mac,hadkaan ayaa waxa uu hoostagaa Dalada Hormarinta Culuumta Islaamka.
Mac,hadkaan ayaa waxa uu xiriir la leeyahay jaamcadaha kala ah ( Shamsul Culuum) (Daaarul culuum) (Almacrifa )(Daarul xikma)(Dhaaha international university)(Alcarabiya)
Mac,hadkaan waxaa asaasay Anas Ismaciil buulle oo ah aqoonyahay kasoo jeeda deegaankan shabeelaha hoose waxa uuna kasoo qalin jabiyay Jaamacadaha shamsul culuum iyo daarul culuum waxa uuna ku soo noqday magaladii uu ku dhashay si uu waxa uu soo bartay ugu faa,iideeyo dadkiisa asagoo shaqa kaheli kara muqdisho iyo meelakale ba xafladii qalin jibinta dadkii kasoo qeebgalay aad ayay ugu farxeen marka ay arkeen tiradadayda Ardayda ee wax kubaratay dhanka kale sadaxdii arday ee kaalimaha hore kagalay imtixaanka ayaa waxaa lasiiya minxo jaamacadeed taas dhiiri galinweyn u noqotay ardayda wax kabarata mac,hadka
Dhanka kale waalidiintii kaso qeyb galay xaflda qalin jibinta Waxa ay siweyn ugu mahad celiyeen maclinkaas juhdiga iyo dadaalka badan kageystay kor u qaadida waxbarashada
Waxaana jiro aqoon yahanno badan oo u dhashay deegaanka aana ku soo noqon deegaankii ay kasoojeedeen si ay ugu faa iidayaan dadkooda waxa kaliya ee maanta lagu hormarin karo deegaanka waa aqoonta oo Kaliyah wadan kasta ee hormar gaaro waxa uu ku gaaray aqoontiisa
Mac,hadka Shamsul macrifa waa machadkii ugu horeeyay ee lagu barto shareecada islaamka ee laga hirgaliyo dagmada Wanlaweyn waxaa uuna soo kordhiyay cilmi iyo aqoon loo baahnaa maamulka mac hadka ayaa waxa ay ballan qaadeen in ay soo kodhin doonaan wax yaaba badan oo ah wax yaabaha lagama maar maank u ah aqoonta guud sida luuqadaha iyo maadooyin kala duwan
Ugu dambeyntii waxaa larajeynayaa in ay waxbadan iska badali doonaan xaalada wax barasho ee dagmadan wanlaweyn ayadoo lafilaayo in ay qalin jabiyaan arday farabadan oo kasoo jeeda deegaanka ayana kusoo biiri doonaan aqoonyahanada deegaanka taasoo guul u ah umada kudhaqan gobolkan shabeelaha hoose