Waxaa xiisat horleh ay kataagan tahay Degmadatan wanlaweyn ee gobolka shabeelaha hoose taasoo kadhalatay booqashadii xildhibaanada iyo odayaasha dhaqanka ay ku tageen xerada bali doogle  booqashadaasoo xal keeda ay raadinaayeen beelo ku dagaalamay wanlaweyn waxaana jiray dagaal kaas dagaal kahoreeyay oo aan wali xal laga gaarin waxaana soo baxaya eedeymo horleh oo hawada ay isu marinayaan Odayaasha Dhaqanka 2bada beelood

Waxaana manta shir jara,id qabaty Odayaashayaasha beelaha Shanta caleemood  waxa ayna  eedeeyen kulul u soo jeediyeen Xildhibaan Daahir amiin jeesow in uu colaad horleh uu ka hurinaayo deegaanka uuna ka abaabulaayo maliishiyo beeleed qaarna uu ka keenay hir shabeelle uuna doonaayo in uu isbaarooyin udhigo deegaanka waa sida ay hadalka u dhigeene  waxa ayna  ka dhawaajiyeen in  uusana xil dhibaana u eheen konfur galbeed somaliya  uuna kasoo jeedo hir shabeelle odayaashan shirka jaraaid qabtay ayaa waxa ay ka codsadeen madaxda DF  ugu sareysa iyo tan Konfur galbeed  in ay waxkaqabtaan dhibatadan ey sheegayaan in uu ku hayo xildhibaan kan hadiikale ay ayaguna tilaabo qaadi doonaan

Dhanka kale odayaasha dhinaca kale eeku  sugan balli doogle  ayaa waxa ay sheegeen in ay codsadeen in ay u imaadaan odayaasha shanta caleemood taasoo ay sheegeen in ay diideen in ay lakulmaan  waxaa ayna eedeeyn dusha kaga tureen maamulka dagmada wanlaweyn in uu kadambeeyo lakulmid la,aanta

dhanka kale Guddmiyaha dagmada wanlaweyn Maxamed siidow cabdi raxmaan Ayaan eedeyntaas wax kaweydiinay waxa uuna sheegay eedeyntaasi  aytahay waxba  kama jiraan ayna cod sanin waligood inay lakulmaan odayaasha deegaanka tankle looga baahnaa haday u baahan yihiin odayaasha dagmada ay eheed in ay u yimaadaan ayaga si ay ula kulmaan

Sikastaba ha ahaatee waxaa muuqata  is afgaran waa weyn in uu ka dhax jiro labada dhic loona baahan in si dhaqsa ah loo dhexgalo arintaani