Rdio wanlaweyn 28/4/2019 >Waxaa meel gaba gaba ah maraya waan waantii laga dhexwaday beelihii kudagaalamay Dagamadatan wanlaweyn ee Gobolkani shabeelaha hoose waan waanta ayaa waxaa waday xildhibaanno iyo sanatarro katirsan dowladda fadaraalka ah ee Somaliya iyo odayaasha dhaqanka labada beelood ee dagaalamay xildhibaanada waxaa horkacayay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow o katirsan Baarlamanka fadaraalka ah ee somaliya dhinaca sanatarada waxaa kamid ahaa Naciimo Ibraahim Yuusuf
Sanatarad Naciimo oo lahadashay Radio wanlaweyn ayaa waxa ay sheektay in intabadan ay soo afjareen khilaafkii labada beelood qodobana lagu heshiiyay qodobadaasna ay fuli doonaan maalmaha so socda dhanka kale waxa ay sheegatay in ay deegaanka oo dhan laga sameyn doono dib u hishiisiin guud ayana islakaashan doonaan Wazaaradaha arimaha gudaha ee Fadaraalka iyo tan Konfur Galbeed Soomaliya
Dhinaca kale waxaa ay ugu baaqday odayaasha dhaqanka in ay garab ku siiyaan nabad ku soo dabbalida deegaanka waxa ayna codsatay in lays cafiyo oolaga faa,iidaysto Bisha barakeysan ee Ramadaan ee fooda inagu soo haysa
Waxa kale oo ay soo hadal qaaday in lafulin doono Mashaariic hormarineed kuwaa oo kor loogu qaadaayo dhinaca caafimaadka iyo Dhalinyarada waxa ayxustay in garoon laga hirgalindoonooo kubadda cagta ah iyo in ladhisi doono M.C.H lagu daweeyo hooyada iyo Dhalaanka
Waxaa kale oo ay oga tacsiyeysay dhamaan shacbkii lagu kor dagaalamay iyo dadka Deegaanka dhamaantood waxa ayna sheegtay in ay ka xuntahay raalina aysan ka eheen dhibaatooyinkaas dhacay ayna raadinayaan sidii xal waara looga gaari lahaa dagaaladaasi soo noqoqday
Ugu dambeyntii Waxan kawar sugi doona wixii ka hirgala dadaaladan nabadda oo ay wadaan xildhibaanadan isku howlay dajinta xiisadan kataagan Wanlaweyn in ay guulaystaan iyo inkale ayada oo ay shacabku dhagta kor ugu hayaa xaalka waxa uu noqon doono hadii sidii larabay wax u hirgali waayaan