khamiis 18/4/2019/Radio wanlaweyn> Waxaa maalmahan kajiray dagmada wanlaweyn ee gobolkan shabeelaha Hoose xiisad colaadeed dhaxeysa laba beelood oo walaala ah xiisadaasoo sababtay dagaal ayku dhinteen tiro dad ah kuwa kalena ay ku dhaawacmeen dagaal dhacay isbuucii hore ayaa waxaa lagu waabariistay daryanka rasaasta laysku adeegsanayay Dagaalkaas ayaana ahaa mid aad u xooggan waxaana ka dhashay qasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac labadii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa waxaa kajiray Dagmadatan cabsi xooggan oo laga qabo in uu markale dib usoo cusboonaado dagaalkas waxaana jira xaafadaha qaar barakac xooggan oo dadku ay barakacayaan waxaa jirta waan waan ay wadeen odayaayasha labada beelood iyo taliyayaasha ciidamada xoogga dalka
waxaan la xiriirnay Baanduulaha guutada 60aad Qeebta 7aad ee ciidamada xoogga dalka somaaliya korneel cabdulaahi cabdi dowle waxa aan wax kaweydiinay qulqulatooyinka kajira dagmada wanlaweyn waxa uuna sheegay in ay xabbad joojin dhax dhigeen labada beelood ee ku dagaalamay dagmada tan gudaheeda shacabka waxa uu ugu baaqay in ay isdajiyaan barkacana ay joojiyaan maadaama lagaaray xabad joojin waa kan abaan duulaha oo kahadlaya arintan
Dhinaca kale waxa uu fariin adag u diray dadka aan ciidamada kamidka aheyn in aan la aqbali doonin in ay qoryo ku dhex wataan magaalada dhexdeeda cidii lagu helaan ciqaab adag lamarsiin doon maliishiyaad badan ayaa jiro aan dowlada u diiwaan gashaneen kuwaasi oo hubka ku dhex sita shacabka waxa uuna ugubaaqay in ay is soo diiwaan galiyaan hadii kale hub kadhigis lagu sameyn doono
lama oga sida ay ku suura gali doonto xabbad joojinta ay ku dhawaaqeen ciidamada aygoo waliba ku hanjabay cidii jabisa in ay dhinaca kamari doonaan ayadoo magalada dhan laga dareemooyo cabsi xoogan xaafadaha qaarna ay san ku harin cidna oo laga barakacay sikastaba ha ahaatee waxaa ku soo noq noqday deegaanka dagaalo aan macno badan aan ku fadhin dadbadan ay ku dhinteen waxa ay salka ku hayanna ay yihiin wax aan qiima leheen ayna tahay in lajoojiyo si loogaaro amni iyo nabadgalyo lagu noolaado