Godoomiyaha gobolka shabeelaha hoose Ibraahin cali aadan Najax oo ay wehlinayaan  ABaanduulaha  Ciidanka milatariga qeybta 7aad guutada 60aad Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka sh.Hoose Gudoomiyaha ururka Haweenka Gobolka  ayaa booqasho kuyimid Degmada Wanlaweyn waxaana loo gu soo dhaweeyay  si weyn

soo dhaweynta waxaa ka qeebgalay maamulka Dagmada Wanlaweyn oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Dagmada iyo ku xigeenadiisa Odayaasha Dhaqanka Ururada Haweenka Ururada Dhalinyarada bahda isbooratiga  bahada saxaafada

ugu horeyn waxaa ka hadlay soodhaweyntaas Gud/ Dagmada Wanlaweyn Maxamed Siidow Cabdi Raxmaan waxa uuna kajeediyay hadalo uu ku so dhaweynaayo Gudoomiyaha Gobolka kadib waxaa hadalkii qaatay Odayaasha dhaqanka dagmada wanlaweyn  waxaa ayna kajeediyeen hadallo soo dhaweyn ah waxaa kaloo ay  kahadleen cabashooyin ay ka  qabaan Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose  waxaa  kaloo kahdleen baahiyahooda ay ugu horeyso sidii wadada udhaxaysa Wanlaweyn iyo Afgooye loo furi lahaa iyo in ay helaan Isbitaal guud oo dadka lagu daweeyo

waxaa kale oo ay sheegeen in gudoomiyaha hada ee dagmada wanlaweyn in uu yahay nin shaqa wanaagsan ka haayo dagmada ayna kumidaysan yihiin taageeradiisa dhamaan  ayna doonaayaan in uu sii ahaado Gudoomiyaha Dagmada Wanlaweyn aydoo lafiirinaayo  marxaladaha ay ku sugantahay Dagmada waxa ayna fariin ugu diriin madax weynaha Konfur Galbeed somaliya  Cabdi casiis Maxamed Lafta Gareen in uusan ku dag dagin maamulka hadda kajira wanlaweyn uuna tix galiyo odayaasha wax garadka dagmada wanlaweyn.

waxaa kaloo kahadlay goobta  so dhaweynta Aban Duulaha qeebta 7aad Guutada 60aad cabdulaahi abdi maxamed korneel Dowle oo ladar daarmay dhamaan dadka kasoo qebgalay sidii amaanka lays kaga kaashan lahaa waxa uu ballan Qaaday in ay wax kaqaban doonaan isbaarooyinka iyo waxayaabaha dhibka ku ah shacabka

waxaa kaloo goobta kahadlay gud ku xigeenka gobolka dhanka maaliyada cabdi fataax cabdulle yuusuf oo ah nin kasoo jeeda dagamadan ayaad uga hadlay wax yaabaha dhibaatooyinka ah ee heeysta shacabka in ay wax ka qaban doonaan  ugana mahad celiyaya soo dhaweynta

ugu dambeyntii waxaa hadalka qaatay Gud:Gobolka  Ibraahin Cali aadan najax ooka mahadceliyay soodhaweynta ballaran oo loo sameeyay waxa uuna sheegay imaatinkiiso uu ku qotomo in dha indhayn iyo sidii uu u ogaan laahaa xaaladda dhabta ah ee kajirta dagmooyinka uuna joogi doono maalmo badan waxa uuna u ballan qaaday odayaasha dhaqanka  in uu cabashadooda  uu wax kaqaban doono gaarsiinna doono fariintii ay ugu fareen madax weynaha  kg: somaliya  waxa uuna sheegay in ay xooga saari doonaan dhanka ammanka uuna wax kaqaban doono  mahan markii ugu horeysay Ee uu soo booqdo dagmada wanlaweyn waxaana looga fadhiyo ballan qaadkiisa iyo sida uu wax uga qabto