waxaa jira baaritaan adag  oo labaaraayo gaadiiidka iyo dadkaba  ciidamada ayaa lagu arkayaa wadda kasta  oo kamid ah wadooyinka soogla magaalada muqdisho gudaha magaaladana waxaa kajira baaritaan iyo wadooyinka qaar oo xiran  safafka gaadiidka  ayaa meel dheer gaaray waxaana loo baarayaa midmid lama garanaayo waxa uu soo kordhin doono baaritaankaan

waxaa jira xaafada qaarkood oo howl galo kasocdaan maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa kajiray Muqdisho qaraxyo is xig xigay kuwaa oo dad badan ku dhinteen kuwakalena ay ku dhaawacmeen

ciidanka amaanka ayaa waxa ay ku fashilmeen joojinta qaraxyada iyo falalka dilalka qorsheysan  ee kadhaca intabadan caasimada  waxaa lays weydiinayaa howlgaladan manoqon doonaan kuwaa lagu gaaro amni mise waxa ay lamid noqon doonan  kuwii ka horeeyey ee ahaa lab lakaca uun

waxa lagu yaqaanna ciidamada maalmaha ugu horeya oo ey wax dhacaan  in aybaaritaano iyo howlgallo sameeyaan maalma kadibna ay layimaaddan cajis iyo in ay ka gaabiyaan howlaha amaanka

dadka kafaalooda  arimaha amaanka yaa waxa ay sheegayaan in  muqudisho aan muqdisho laga difaaci karin

mas,uuliyiinta dowladda ayaa horey u sheegay in ay qorshooyin cusub oo amaan ey keeneen ha yeshee noqday kuwa fashilmay waxaana jira saraakiil xilka laga qaaday  iyo kuwa lagu badalay waxaana habacsanaan kajirtaa xagga maamulka ciidamada  waxaana ladhowrayaa isbadalka ay keenaan saraakiishan cusub ee lamagacaabay