(Madrid) 19 Maarso 2019. Kooxaha ka dhisan caasimadda Spain ee Madrid ayaa la soo warinayaa inay naadiga Liverpool ee Premier League ka dheesha kula tartamayaan saxiixa xiddiga ka ciyaara horyaalka Jarmalka ee Julian Brandt.

Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa la soo sheegayaa inay Reds kula hardami doonaan soo xero gelinta xiddiga garabka uga dheela kooxda Bayer Leverkusen ee Julian Brandt.

Brandt ayaa xirfaddiisa ciyaareed ee sare ka bilaabay naadiga Leverkusen ee dalka Jarmalka, laakiin 22-sano jirkaan ayaa la filayaa inuu ku biiro koox weyn.

Liverpool ayaa la la xiriirinayey inay soo qaadan doonaan xiddiga xulka qaranka Jarmalka, laakiin Warsidaha Don Balon ayaa warinaya in kooxaha reer Spain ee Real Madrid iyo Atletico Madrid ay labaduba ka fikirayaan inay dalab u diraan xiddigan suuqa xagaaga.

Macallin Zinedine Zidane ayey u badan tahay inuu gacanta ku soo dhigo laacibkan si uu isbeddel weyn ugu sameeyo kooxda koowaad ee Real Madrid ka hor xilli ciyaareedka soo socda, kaddib markii uu bedelay tababare Santiago Solari horraantii bishaan.

Kooxda Atletico ayaa haatan ku jirta booska labaad ee kala sarreynta horyaalka La Liga, laakiin kooxda macallin Diego Simeone ayaa dhalisay 39 gool 28 kulan oo ay ciyaareen.

Brandt ayaa kaliya labo sanadood ay kaga hartay qandaraaskiisa haatan, laakiin waxa uu hore u soo jeediyay in uu heshiiskiisa ka tagayo oo uu burburinayo haddii uu helo dalab ku haboon iyo koox weyn.

GOOL FM.