Home sports Muxuu ka yiri Zinedine Zidane guushii ugu horeysay uu la gaaray kooxda...

Muxuu ka yiri Zinedine Zidane guushii ugu horeysay uu la gaaray kooxda Real Madrid?

565
0

(Spain) 17 Maarso 2019. Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa xaqiijiyay in ciyaartoydiisa ay si fiican u ciyaarayeen kulankii xalay Celta Vigo ee ka tirsanaa kulamada 28-aad ee horyaalka La Liga.

Kooxda Real Madrid ayaa guul muhiim ah kaga gaartay Celta Vigo kulan ka tirsanaa horyaalka Spain, kadib markii ay Los Blancos ku adkaatay 2-0 .

Macalinkaa reer France ee Zinedine Zidane ayaa ciyaarta kadib u sheegay saxaafada:

“Waxaan helnay natiijo fiican, waana waxa aan raadineynay”.

“Qeybtii hore waxay ku adkaatay qof walba, laakiin qeybtii labaad ee ciyaarta waxaan qabanay shaqo fiican”.

Intaas kadib Zidane ayaa waxaa wax laga weydiiyay sababta uusan kulankan ugu soo bilaaban xidigaha Thibaut Courtois iyo Sergio Reguilón wuxuuna yiri:

“Waxaan ku ciyaari doonaa kooxda oo dhan, oo ay sidoo kale qeyb ka yihiin Thibaut Courtois iyo Sergio Reguilón, laakiin sidoo kale ma ilaabi doono xidigaha Navas, Isco ama Marcelo”.

“Keylor Navas waan jecel yahay, sidoo kale Courtois, Thibaut wuxuu muujiyay inuu yahay goolhaye weyn, laakiin waxaan jeclaan lahaa in Keylor uu dareemo sida uu muhiim u yahay”.

“Ma iloobin wax qabadkiisa halkan, waa inuu ciyaaro sababtoo ah ma uusan ciyaarin wax badan”.

“Marcelo kiiskiisa wuxuu la mid yahay Keylor Navas, sheekada ma ahan mid la xiriirta xidigaha Courtois iyo Reguilón, ama ciyaaryahan kasta ee ciyaaray booska Isco, waxa ugu muhiimsan ee aan xiiseenayo ayaa ah waa in ciyaartoyda oo dhan ay dib u helaan fursadooda buuxda”.

“Uma maleynayo in macalimiintii hore ay u maleynayeen in la ciyaarsiiyo dhalinyarada ay aad muhiim u tahay, aniga ahaan kama tagi doono waxaan ku xisaabtamayaa ciyaartoyda, waxayna muujiyeen suuratagalnimadooda kulanka Celta Vigo”.

isha  Gool fm