( Premier League ) 17 Marso 2019 Kooxda Liverpool oo guul weyn ka soo gaarty kooxda Bayren kulan ka tirsanaa tartanka Champions League ayaa galabnimadan booqaneysa garoonka kooxda Fullham kulan ka tirsan horyaalka Premier League .
Reds ayaa hogaanka horyaalka lowga haya hal dhibic oo qura waxa ayna donayaa in aysan lumin dhibic kale madaadama la marayo kulamda ugu dambeeya ee horyaalka Premier League .
Wararka labada koox ka hor kulanka :
Kooxda Fulham ma qabaan wal wal dhaawac waxaana dib safkooda ugu soo laabanaya Andre Schurrle oo ka soo kabtay dhaawac uu qabay ,
Alfie Mawson waxa uu ka soo kabanayaa qaliin lagu sameyey jilibkiisa waxa uuna rajeenaya in uu dib ugu soo laabto kooxdiisa inta uusan dhamaan xili ciyaareedka hada soconaya .
Liverpool kabtankeeda Jordan Henderson ayaa laga saaray kulanka kaddib dhaawac canqowga ka soo gaaray kulankii Champions League oo ay la ciayreen kooxda Bayern Munich.
Xidiga khadka dhexe ee Reds ee Naby Keita ayaa la hubin doonaa xaaladiisa caafimaad ka hor kulanka kooxda Fullham ka dib markii uu seegay safarkii Germany .
Ogeysiiska ciyaarta :
Kulanka Fullham VS Liverpool ( Premier League )
Goobta : Craven Cottage
Goorta :5:15 oo galabnimo
Garsoorka : Craig Pawson
Xaqiiqooyinka Ciyaarta :
Fulham ayaa qasaartay shan kulan oo xiriir ah oo ay wajahday kooxda Liverpool , waxana kulamadaa lowga dhaliyey Fullham 16-gool , guushii ugu dambeysay ee ay ka gaarto kooxda Liverpool waxa ay aheyd May 2012 ciyaar ku dhamaatay 1-0 .
Liverpool ayaa eeganeysa guushii sedexaad oo xiriir ah oo ay ku gaarto garoonka kooxda fullham ee Craven Cottage markii ugu horeysay taariikhdeeda .
Kooxda Liverpool ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mida shan kulan oo ay sandkan 2019 ku soo ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda .
The Reds ayaa laga dhaliyey 9-gool kulamada ay ciyaartay gudaha sandka 2019 , waana in ka badan 20-kulan oo ka horeyey goolasha lawga dhaliyey ee xili ciyareedkan .
Sadio Mane ayaa dhalinayey sided gool 8-dii kulan ee ugu dambeyey ee uu saftay kooxdiisa , kaliya mid ka mid ah goolashaas ayaa yimid meel ka baxsan Anfield.
Safafka macquulka ah ciyaarta ka hor :
isha Gool FM