( Premier League ) 17 Marso 2019  Kooxda Chelsea waxa ay la balan santhay kooxda Everton kulan katirsan horyaalka Premier League waxaan lagu ciyaari doonaa garoonka kooxda Everton ee Goodison Park.

Bules ayaa bar baro la soo gashay kooxda Wolves kulankii dhawaan ee horyaalka Premier League waxa ayna doonayaan in mar kale aysan lumin wax dhibco ah .

Maxaa ka cusub labada koox ka hor kulanka :

Everton waxaa safkooda dib ugu soo laabanaya   Seamus Coleman kaas oo seegay kualankii ay guul darada ay kala kulmeen kooxda  Newcastle sababo dhaawac  .

Leighton Baines ayaa laga ayaa in uu dib ugu soo laabto safka kooxda Everton balse Phil Jagielka ayaa wali dhaawac ku maqan  halaka  Kurt Zouma oo sharciga ka reebayo in uu ka hor imaado kooxdiisa madaama uu amah ku joogo kooxda Everton .

Gonzalo Higuain ayaa diyaar u ah in uu dib ugu soo laabto kooxdiisa kaddib markii uu seegay kulan ciyareedkii ay guusha weyn ay ka gaaren kooxda  Dynamo Kiev .

Xidigaha kala ah  Cesar Azpilicueta, David Luiz, iyo  Eden Hazard oo nasiino la siiyey  dhmaadkii asbuuca ayaa dib ugu  soo laaban doona safka koowaad ee kooxda .

Ogeysiiska ciyaarta :

Kulanka : Everton VS Chelse ( Premier League )

Goobta : Goodison Park

Goorta :7:30 oo habeenimo

Gaarsoorka :Anthony Taylor

Xaqiiqooyinka ciyaarta :

Laabdii kulan ee ugu dambeyey ee ay labada koox isku arkaan horyaalka waxa uu ku dhamaanayey bar baro goolal la’aan ah 0-0 , kaliya afar kulan ayaa taariikhda Premier  League horey lowgu diwaan giliyey in aysan wax gool ah iska dhalin sedex kulan oo xiriir ah Premier League .

Kooxda lagu naaneeso  Toffees ayaan badisay kaliya hal kulan oo ka mida 10-kii kulan ee ugu dambeyey oo ay ciyaarto tartanka Premier League (3-bareejo iyo 6-qasaaro)

Chelsea ayaa qasaartay sedex ka mida fartii kulan ee ugu dambeyey oo ay ku soo ciyaarto meel ka baxsan garoonkooda kulamada horyaalka , guul darooyinka sedexda ah waxaa Bules laga dhaliyey 12-gool .

The Blues ayaa kaliya shabaqeeda ilaashatay hal kulan oo qura 9-kii kulan ee ugu dambeyey  oo ay ku soo ciyaarto meel ka baxsan garoonkooda kulamada horyaalka , kulanka ay shabqooda goolka ka ilaashadeen ayaa ah ciyaar aya la qateen kooxda  Crystal Palace 30 December ciyaarta ayaana ku dhamaatay 1-0.

Chelsea ayaa  heysta  57 dhibcood kaddib 29-kulan oo Premier  League ay ciyareen  , dhibcaha ay hadda heystaan waa in ka badan afar mar xili ciyareedkii hore waqtaas oo uu maamulayey  Antonio Conte.

 Eeg safafka macquulka ka hor ciyaarta :

isha     Gool FM