(wanlaweyn Radio) 26 Feb 2019. Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Lucas Vázquez ayaa fariin digniin ah u diray kooxda Barcelona, kahor maalin kulanka ay ku wada ciyaari doonaan lugta labaad wareega 4-aad ee Copa del Rey.

Hadalka Lucas Vázquez ayaa wuxuu imaanayaa kadib wareysi uu la yeeshay Wakaaladda Wararka Spain, wuxuuna carabka ku adkeeyay sida ay kooxdiisa Real Madrid u dooneyso inay gaarto finalka Copa del Rey, sidoo kalena ay guul gaarto kulanka xiga El Clásico ee horyaalka La Liga dalka Spain.

“Dhamaan ciyaartoyda anigoo aan kala saareynin waxay diyaar u yihiin kulanka ay Arbacada kula ciyaarayaan kooxda Barcelona Copa del Rey iyo sidoo kale kan Sabtida ee horyaalka”.

“Waxaan jecel nahay kulamada noocaan oo kale ah, waxaana dooneynaa inaan guul gaarno”.

Vázquez ayaa hadalkiisa ku soo xiray sida ay ugu baahan yihiin garab istaaga jamaahiirta Real Madrid, maadaama labada kulanba lagu ciyaari doono garoonka Santiago Bernabeu.

“Waxaan la ciyaari doonaa Barcelona laba kulan, waxayna labadan kulan ka dhici doonaan garoonka Santiago Bernabeu, inaan helno garab istaaga jamaahiirteena, wax walba ayaa inoo fududaan doonta”.